|

Jinkii Wasaaradda Warfaafinta Oo Mar kale Oodda Soo Jabsaday, Wasiir Cukuse iyo Agaasimihiisa Guud Oo Isku Maandhaafsan Arrimo Xaasaasi ah.

Hargeysa:July,26,2014(SDN/QJ)-Waxa Mar Kale Dibadda u soo Baxay Khilaafkii iyo is qab-qabsigii ay caanka ku ahayd wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, iyadoo Haatan Wasiirka iyo Agaasimihiisa Guud Madaxa iskula jiraa.

keiSida ay noo xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Wasaaraddu, waxa taagan Is af garanwaa ka dhashay Arrimo qaran oo  Hawlaha wasaaradda la xidhiidha kuwaas oo Labada Masuul mid waliba doonayo inuu si gaar ah Maamulkeeda gacanta ugu qabto.

Arrimaha Haatan la isku Hayo  ayaa salka ku Haya Laba Masalo oo kala ah Deeqo waxbarasho iyo Shaqaalaha wasaaradda ay siisay Dawladda Ethiopia iyo Waliba Lacago Aad u tiro badan oo Xayeysiisyo ah oo soo galay Wasaaradda, balse sidii loo maamulayey muran ka taagan yahay.

Deeqaha waxbarasho ee Shaqaalaha wasaaradda Loogu deeqay, ayaa la sheegayaa inuu Agaasimaha Guud damcay inuu si gaar ah u qoondeeyo, isla-markaana  uu siiyo wariya-yaal ay si gaar ah iskugu xidhan yihiin, balse waxa taas ka soo horjeestay wasiir Cuskuse oo isagu ku adkaysanaya in arrintaas uu taladeeda leeyahay oo aanay isaga dhinacna u dhaafi Karin.

Khilaafka arrintan ayuu Agaasime Maxamed Aadan Ilka-case ku adkaysanayaa inuu isagu xaq u leeyahay, maadaama uu dhinaca Maamulka u qaabilsan yahay Wasaaradda.

Wasiir Cukuse  oo isagu awood badan ka haysta dhinaca wasiirka Madaxtooyada, ayaa Agaasimahiisa u sheegay inaanu xaq ulahayn inuu Arrimo gaadhsiisan heer Deeqo waxbarasho aanu keligii iska maamulan Karin, isla-markaana uu u daayo wasiirka oo  kaliya.

Arrinta Kale ee Labada Masuul isku jiidheen, ayaa ah Lacago xayeysiis ah oo soo gashay Xarunta Telefishanka qaranka, taas oo uu Agaasime Ilka-case u soo faadhimaystay inuu qaybtiisa qaato.

Wasiirka warfaafinta ayaa  isagu ku adkaystay inaanu lacagtaas Agaasimuhu  faraha la soo geli Karin, isla-markaana ay tahay Shaqo uu Wasiirku ku shaqo leehaya.

Khilaafka labadan masuul ayaa laga dareemay Xarunta Wasaaradda Dhexdeeda, waxana la arkayaa shaqaalaha oo qaarkood la kala safteen labadan masuul.

Khilaafkan ayaan ahayn mid ku cusub wasaaradda, waxana ay Xaruntani Hoy u noqotay Khilaafyo tiro beelay oo Afartii sano ee Xukuumadda Siilaanyo xukunka Haysay  soo noqnoqday, kuwaas oo Sahayday Masuuliyiin tiro badan oo u  badnaa Wasiirro iyo Agaasimayaal Guud.

Xarunta Wasaaradda ayaa caan ku ah is kooxaysi iyo is xulafaysi dhinaca SHaqaalaha iyo masuuliyiinta ah, waxana jira inuu Wasiirku xarunta ka dhex samaystay nidaam Maamul oo isaga u gaar ah, kaas oo isku duba rida Hawlaha isaga gaarka u ah.

Wasiir Cukuse oo lagu tilmaamo inuu yahay Wasiirrada ugu awoodda Badan Golaha wasiirrada, ayaa taageero ballaadhan ka Haysta wasiirka Madaxtooyada, kaas oo u arka Tiir adag oo jawaab kulul siiya Kooxaha Mucaaridka ah oo xukuumaddu aanay u adkaysan Jawaabtooda.

Agaasime Ilka-case ayaa isaga laftiisu aanu ku fududayn Xukuumadda Dhexdeeda, waxana uu taageero ballaadhan ka Haystaa Dhinaca Haweenka Madaxtooyada ka arrimiya, isagoo si gaar ah libinta ugu weyn uga haysta Haweenayda Madaxweyne Siilaanyo.

Lama garan karo sida loo xallin doono khilaafkan aan wali dibadda u soo wada Bixin oo intiisa  badani huursan tahay, waxana loo badinayaa inuu sii ballaadhan doono haddii aan si dedeg ah gaadhin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed