Dagaal Khasaare Keenay Oo Dhex Maray Ciidamo Ka Wada Tirsan Militeriga somalia
Afgooye:July,26,2014(SDN/QJ)-Ciidamo Ka wada Tirsan Militeriga Somalia, ayaa isku gacan saaray Dagaal Deegaanka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa sida la xaqiijiyey keenay Khasaare iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ku yimi, iyadoo dagaalkuna socday Xalay Ilaa iyo Saaka.
Ugu yaraan 10 Qof ayaa dagaalka ku geeriyootay ,waxaana ku dhaawacmay in kabadan intaasi,kuwaas oo u badan Ciidamada Milatariga ee Dagaalamay.
Goobjoogeyaal halkaas ka dhawaa, ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada dagaalamay ay isku Afgaran waayeen Bar koontarool oo Lacago Baad ah Gaadiidka looga qaadi jiray.
Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka dagan,waxaana dib u furmay Isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose,dagaalkaas oo inta badan salka ku haya Isbaarooyin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com