|

Guddoomiye-ku-xigeenkii ee Togdheer Oo Soo Guryo Noqday, Kuna Gooddiyey Tallaabooyin Ka Dhan ah Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa:July,26,2014(SDN/QJ)-Guuleed Daahir Samatar ooh ore u ahaan jirey Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Togdheer, isla-markaana si weyn uga soo horjeeda Siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka soo laabtay safar uu dibadda ugu maqnaa, isagoo sheegay inuu u xaydan yahay sidii tallaabo looga qaadi lahaa hannaanka xukuumaddani dalka ku hoggaamiso.

beex Guuleed Daahir oo ka yimi Dalka Qadar, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa, waxana uu tilmaamay inuu Gudo-geli doono  badhigga dhaliilihii uu sheegi jirey ee xukuumaddu ka guban jirtey.

Waxa uu ku dhawaaqay inuu taageero u muujin doono dhallinta iyo dadka kale eek a soo horjeeda siyaasadda Xukuumaddan haatan talada Haysa, isagoo hoosta ka xarriiqay inay xukuumaddani soo noolaysay Qabyaalladii iyo kala-qoqobidii shacabka ooh ore iskugu duubnaa.

 

Guuleed Daahir Samater Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer ee Xukuumadii Rayaale ayaa, mudoba laba jeer lagu taxaabay Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera kadib markii Ciidamada RRU saq badh ugu dhaceen Gurigiisa Magaalada Burco halka markii dambena laga soo taxaabay Kaantaroolka Haleeya isagoo kusii socda Magaalada Burco oo uu Degan yahay.

Waxa Uu Guuleed ka mid yahay Shakhsiyaadka Tirada yare e aanay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo u adkaysan dhaliishooda, iyadoo kaga jawaabta Xadhig iyo cago-juglayn ay u geysato xilliyada ay xiisaduhu  ka soo cusboonaadaan Magaalada Burco oo  uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed