|

Ujeeddada Wafti Maamulka Puntland u Diray Magaalada Muqdisho

Muqdisho:July,25,2014(SDN/QJ)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waxa soo gaadhay Wafti isku jira wasiirro, wasiir-ku-xigeeno iyo waxgarad ka soo jeeda Maamulka Puntland, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa siddeed xubnood.

p;C/raxmaan Yuusuf,  Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland oo ka mid ahaa Wafdigaasi ayaa faahfaahin ka bixiyey u jeeddada safarkooda isagoo xusay in Madaxda dowladda  ay kala hadlayaan ammaanka Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Puntland ee ku sugan Caasimadda Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in ay aad uga xun yihiin dilkii Xildhibaanad Saado kaas oo ah qorshaha Koowaad ee wafdigu u soo abaaray Magaalada Muqdisho ka hadalkiisa uu yahay.

Kulamada Masuuliyiintaan ka socota Maamul Goboleedka Puntland iyo Madaxda dowladda ayaa la sheegay in ay sii socon doonaan.

Maamulka Puntland ayaa si weyn uga cadhooday Dilkii ugu dambeeyey ee Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Saado Cali Warsame, waxana ay sheegeen in laba  xildhibaan ooh ore muqdisho loogu dilay  ay ka soo jeedeen Deegaankooda, isla-markaana aan wali la haynin ciddii dishay, iayagoo ku andacooday in si gaar ah loo beegsanayo.

Waftigan ayaa la filayaa inay Dawladda Federalka ah codsadaan in baadhitaano dheeri ah oo natiijo leh lagu sameeyo dilka xildhibaan saado Cali, maadaama uu jiro shaki ka baxsan sheegashada Al-shabaab oo  reer Puntland ay qabaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed