|

Hogaamiyaha Ururka Xamaas oo ogolaaday Xabad Joojin Balse Shardi ka Dhigay in Xanibaada laga Qaado Qasa

Gaza 25.July 2014 (SDN/QJ)- Hoggaamiyaha ururka Xamas Khalid Mishcal ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku sheegay in ay doonayaan xabbad joojin degdeg ah, balse ay la socota in xannibaada laga qaado marinka Gaza.

 Khalid MishcalMarshcal ayaa tilmaamay in ay doonayaan Xabad joojin, balse marka hore inay tahay in xannibaadda sideeda bil saran Qaza laga qaado.

Sidoo kale waxa uu qiray in uu u sheegay dalalka reer galbeedka iyo Qaramada Midoobey inay tagaan Qaza oo ay la hadlaan shacabka Falastiiniyiinta ah oo ay weydiiyaan waxa ay doonayaan.

Khalid Mashcal ayaa ku tilmaamay Qaza inay tahay Xabsi, aysanna dooneyn dadka reer Falastiin inay ku jiraan nolosha noocaas ah.

Gaza SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed