Canada:Nin Soomaali ah oo xarig dheer ku muteystay in uu damacsanaa in uu Shabaabka ku biro
Toronto July 25,2014(SDN/QJ)-Nin Soomaali ah oo ciidamada amaanka ee Canada ay ka qabteen garoonka duyuuradaha ee Tornto sanadii 2011kii kiyoo ku sii jeeda in uu ku biro kooxda Al Shabaab ayaa maxkamadi ku riday xukun dheer.
Maxamed Xasan Xirsi oo 28 jir ah ayaa maxkamad ku taal Toronto ay ku riday xukun 10 sanadood ah ka dib kolkii ay ku cadaatay in uu damacsanaa in uu ku biro kooxda Al Shabaab.
Garyaqaana Maxamed Paul Slanky ayaa saxaafada u sheegay in aaney fileyn xarigaa dheer ayna is lahaayeen maxamed waxa uu muteystay unn ilaa sadex sanadood oo xarig ah.
Sidoo kale qoyska Maxamed Xasan Xirsi ayaa dhankooda sheegay in aaney ku qanacsaneyn goaanka xaakimka dhegeystay maxkamada.
Xaakimka dacwada dhegeysatay Deena Beltman ayaanse ka gaabsan in ay dhaleeceyso Maxamed oo ay sheegtay in uu kiyoo leh wax barasho,shaqona heysta ka door biday in uu argegixiso ku biro.
Ciidamada amaanka ayaa qorshaha Maxamed ka warhelay ka dib kolkii ay sirdoon iska dhigaya Jihaad doon u direen, ka dibna uu u sheegay in uu doonayo in ay mudan tahay in Shabaabka lagu biro.
SDN/QJ-Toronto
contact@qurbejoog.com