Nimanka Horyaacaya Dawlada Ee Xaalada Abuuraya,Dadwaynaha iyo Dawlada isku Diraya Waxaanu Leenahay Ka Jooga hadii Kale idinkaa Masuul ka ah dhibaatada ka dhalata,Dawladu Iyadaa ka masuul ah wixii ka yimaada dhibaato deegaankan “Boqor Raabi
Hargeisa24 july 2014 (SDN/Qj)Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa dhawaan Sheegtay in Banka Qoolcaday la wareegayso kadibna Seerayaal Ka dhigayso,Waxanay xukuumadu sheegtay inay keenayso Maxjarada Indho Deero iyo Al jaabiri ayaa waxa ka soo horjeedsaday Dadwaynaha Deegaankaasi Banka Qoolcaday iyagoo sheegay inaanay ogolaan doonin cid kala wareegta gacan ku haynta bankaasi oo ay joogeen mudo dheer.
Banka qoolcaday ee Koonfurta magaalada Hargeysa ayaa waxa kormeeroi kala duwan ku tagay xukuumada Somaliland oo wasaarada Xanaanada Xooluhu Hormuud ka tahay.
Wasaarada deegaanka oo lala xidhiidhay ayaa iskagag leexisay dhinaca wasaarada xanaanada Xoolaha ,Wasaarada xanaanada Xooluhuna Way ka gaabsatay.
Xiisaddan ka taagan Banka Qoolcaday ayaa Hadii aan xal Laga gaadhin horseedi doonta Dhibaato nafeed iyo mid deegaanba.
Hargeisa/SDn/Qj
Maxamed Aadan Qurbojoog
contuct@somalidiasparonews