|

Somaliland:Komishanka Xuquuqal insaanka Oo Ku Hawllan Xeer Diinta Islaamka Ka Dhan ah iyo Wasaaradda Diinta Oo Gaashaanka u Daruurtay

Hargeysa:July,24,2014(SDN/QJ)-Komishanka Xuquuqal Insaanka ugu qaabilsan somaliland, ayaa Curiyey Xeer Ka dhan ah diinta islaamka, gaar ahaan Mad-habta Shaaficiyada ee Dadka somalida ahi Haystaan, waxana ay ku dhawaaqeen inay  isku dubba rideen  xeer lagaga hortagayo in Hablaha reer Somaliland aan wax Gudniin ahba lagu samaynin.

kahiFarxiya Xusen Jahur oo ah Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay diyaariyeen xeer ka dhan ah Gebi ahaanba Gudniinka gabdhaha lagu sameeyo, iyadoo si cad u sheegtay in Midka fircooniga ah iyo midka sunniga ahba uu xeerkoodu  joojinayo, taasna ay la kaashadeen Urrurada Bulshada, Dakhaatiirta Dalka iyo Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland.

“Labaatankii sano ee ugu dambeeyey ee ay Somaliland jirtay waxa lagu jiray ololayaal ballaadhan oo lagu xakamaynayo Gudniinka Hablaha, waxaanu hadda marayaa meel aad u fiican, waxaanannu ka galnay olole ballaadhan in la joojiyo ama la xakameeyo Gudniinka lagu sameeyo Hablaha yar-yar. Illaa hadda waxa ka qabsoomay wuxu socdaa Guddi jirta oo ah Daneeyayaasha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin Xubno ka socda Guddi-hoosaadyo Baarlamaanka ka mid ah ayaa waxay iska xil-saareen arrimaha Bulshada, gaar ahaan dhinaca Caafimaadka, waxaanay isugu yidheeneen Ururrada Bulshada iyo Komishanka Xuquuqal Iinsaanka, iyagoo kala tashanaya sidii loo xakamayn lahaa Gudniinka Gabdhaha.” Sidaa ayay tidhi Farxiya Xuseen Jaahuur oo shalay u warrantay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u jooga Hargeysa.

Farxiya Jaahuur oo la weydiiyey halka uu hadda u marayo Sharciga dhigaya in guud ahaanba la joojiyo Gudniinka oo dhan, waxa ay ku jawaabtay; “Meel aad u fiican buu marayaa, Baarlamaanku aad bay isaga xil-saareen, Ururrada Bulshadu aad bay isaga xil-saareen, Komishanka Xuquuqal Iinsaanku hawl aad u adag buu ka galay, hadda meel fiican buu marayaa, waa la curiyey Xeerkaas, waxaana gebi ahaanba lagu xakamaynayaa Xeerkaas in Gudniinka Hablaha la joojiyo sida uu u dhan yahay, Xeerkaasina hadda waxa uu la yaallaa Guddiga arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka (Wakiillada).”

Mar Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland Farxiya Jaahuur la sii weydiiyey in Gudniinka Gabdhuhu kala yahay Fircooni iyo Sunni, markaa in la wada-joojiyo sida ay tahay iyo inay kala tashadeen Madaxda Dhaqanka, Culimada Diinta iyo Dhakhaatiirta dalka, waxay ku jawaabtay; “Xeerkan immika la curiyey ama la sameeyey waxa uu xakamaynayaa dhammaan qaybaha Gudniinka oo dhan. Xagga Dhakhaatiirta haa, in gebi ahaanba way ka soo horjeedaan (Gudniinka Gabdhaha) in gebi ahaanba la tirtiro ayey raacsan yihiin, Bulshaduna sidaas ayey raacsan tahay.Laakiin, qaybo ka mid ah Xukuumadda ayaan odhan karaa (way ka soo horjeedaan), waayo? Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu iyadu waxay leedahay hallagu dhaqmo Sunnihii, markaa waxa weeyaan qaybahaa waa lagu kala yara duwan yahay fikir ahaan. Laakiin, Xeerkani wuxu koobsanayaa ama sheegayaa in guud ahaan Gudniinka oo dhan la joojiyo. Laakiin, la iskuma diiddana in Fircooniga laga tago waa la isku raacsan yahay, ee keliya waxa la isku khilaafsan yahay in uu Sunne noqdo iyo in laga wada tego.” Sidaa ayey tidhi Farxiya Xuseen Jaahuur oo jawaabta su’aashaa kor lagu weydiiyey sii wadatay.

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Oo Arrinta ka Hadlay ayaa ka dhiidhiyey Sheegashada Farxiya Jaahuur ee Joojinta Gudniinka Sunniga ah, waxana uu ku adkaystay inaay wasaarad ahaan aqbali Karin arrin kasoo horjeedda Mad-habta shaaficiyadda ee dadka somalida ahi aaminsan yihiin, waxana uu yidhi,

“Waxa weeye annagu haddaannu nahay Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland ma oggolin in Hablaha lagu sameeyo Gudniinka Fircooniga ah iyo Qodobka ama toltolidda Hableheenna, Diinta Islaamku-na ma oggola Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha. Laakiin, Gudniinka Sunniga ah Mahdabta Diinta Islaamka ee Shaaficiyada ee aynu ku dhaqannaa waxay oggoshahay in Gabdhaha Xubinta taranka laga dhiijiyo ama wax laga jaro, balse in la yidhaahdo guud ahaanba wax Gudniin ah yaan lagu samaynin ma oggola, annaguna Wasaarad ahaan ilaalinta Diinta iyo inaan khilaaf Diineed iyo Mahdabeed dalkeenna ka abuurmin ayaannu Masuul ka nahay. Markaa, in la yidhaahdo guud ahaan Gudniinka Gabdhaha halla joojiyo ma raacsanin, waanan ka soo horjeednaa taas.”

 

Arrintan ay ku dhawaaqday Komishanka Xuquuqan iinsaanka Somaliland ayaa dood badan iyo muran ka dhex dhalisay Bulshada, waxana dadka intiisa badani si weyn uga xumaadeen in Komishanku faraha la galo arrin diini ah oo aanay Marnaba bannaanayn  in laga tagaa.

 

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed