Xisbiga UCID oo beeniyay in Maxamed Yonis Bixi yahay musharaxooda madaxweyne iyo wasiir xirsi oo ay arinkaa ku eedeeyeen
Hargeysa July 24,20149SDN/QJ)-Xogahayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yusuf Keyse C/laahi ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Maxamed Yonis Biixi uu yahay musharaxooda dhabta ah ee xilka madaxweynaha.
qoraal arinkaa uu xoghayuhu ka soo saaray ayaa lagu eedeeyay in xogtan uu shaaciyay wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Xasan Cali,qoraalka UCID ayaa sidan u dhigyanaa:
“Maanta oo ay Bishu tahay 23 July ,2014, waxa Xisbiga UCID si toos u beeninayaa war aan Sal Iyo Raad toona oo uu baahiyey wargeyska SOMALILAND Today ee uu leeyahay Wasiirka Madaxtooyada dalka Xirsi Xaaji Cali Xasan kaas oo uu Daacayado Raqiis ah ku Soo Baxay Cadadkiisii Maanta
Wargeysku waxa uu si qaawan oo runta ka fog ku sheegay in Waziirka Arrimaha Dibada Mr: Mohamed Bihi Younis noqon doono Murashaxa Madaxwenaha Xisbiga UCID ee Doorashada Soo socota, iyagoo aan wax daliil ah u ahayn, sheeginna xogta intaa le’eg cidda ay ka heleen.
Tan kale Murashaxa keliya ee Xisbiga UCID waa Aqoonyahanka JAMAL ALI HUSEIN, oo aanu Hubno in Uu So celin doono rajadii Shacbiga Somaliland ka Qabeen in Mar uun Ummada Somaliland ka mid noqoto Dawladaha Caalamka isla markaana kor u so qaado Quusta la geliyey, iyadoo aan weli Ictiraaf Caalami ah loo helin, Hankii ay qabeenna uu ku dhex baaba’ay Nidaamka Dowladda Kulmiye ee Qabyaaladda, Eexda iyo Hanti Urursigu Madax maray
Xizbiga UCID waxa kaloo uu u arkaa in kooxaha u adeega Nidaamka Silaanyo, inay degayaan tabo iyo xeelado siyaasadeed oo ma dhalays ah, oo loola jeedo in lagu wiiqo wadajirka iyo kacdoonka isa soo taraya ee loogu diyaar garoobaayo doorashada soo socota iyo taageerada xad dhaafka ee Xisbiga UCID Uu Kasbaday Wakhtiyadi u Danbeeyey
Waxa kale Oo jariiradan loo samaystey in lagu weeraro wasiiro ka Tirsan xukuumada iyo xisbiga KULMIYE sida Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Arimaha Debeda, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye
Waxaa wax la,la yaabo noqotey in Xukuumadu ay ogolaato in wasiir ka mid ahi ku wareero,Wargeys (Somaliland Today ) kaas oo Lagu Naasnuujiyo Cashuurtii laga Ururiyey Danyarta iyo hooyooyinka Bacadka fadhiya Wasiirada Kale, Saxaafadda kale iyo Xisbiyada Qarankaba
Ugu dambayn XIsbiga UCID, waxaan si cad u cambaaraynaynaa Qormadan uu soo saaaray Wargeyska Somaliland Today ee laga naas nuujiyo Madaxtooyada, ee ah rugta ugu weyn ee laga mijo xaabiyo Saxaafada Madaxa bannaan ee dalka JSL, Xisbigu waxa dhowaan uu magacaabi doonaa guddi soo baadha Wargeyska Somaliland Today Xadigga Maaliyadeed Ee Lagu Lunsado Wargeyskaa Somaliland Today
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID
Yusuf Kayse C/laahi