Soomaalida Minneapolis oo qabtay ruux la sheegay in uu baadigoobayay dhalin ka dagaalanta Syria iyo Police-ka oo aan ninkii xabsiga dhigin
Minneapolis July 24,2014(SDN/QJ)-Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ayaa la sheegay in ay qabteen nin ay sheegeen in uu dhalin yaro Soomaali ah oo ku sugnaa Masjid magaaladaa ku yaal in uu weydiiyay in ay doonayaan in ay Syria u Jihaad tagaan.
Soomaali isugu jirta waalidiin iyo macalim Dugsi quraan oo masjidka ku yaal ayaa Foxnews u sheegay in ay maqlayeen ninkan oo suaasha weydiinaya dhalinyarada.
Soomaalidii Masjidkaku sugnaa oo Policce-ka u yeeray ayaa intii aaney halkaa soo gaarin ninkii qabtay.
Fox news ayaa shaacisay in ninkii aan xabsiga la dhigin oo ciidamada amaanku sheegeen in ay dhici kareyso in is faham waa dhacay.
Soomaalida ayaase sheegtay in ninka la maqlayay suaasha uu dhalinta weydiiyay isla markaana ay dhalintu English wanaagsan ku hadasho.
Jibril Afyare oo ka mida aqoonyahanada reer Minneapolis ayaa foxnews u sheegay in “Mareykanku dalkoodii yahay” isla markaana ay amaanka dalkuna ay dantooda ku jirto.
Ciidamada amaanka ee dalkaas ayaa qaba in Soomaali faro badan ay u jihaad tegeen dalalka Soomaaliya iyo Syria.
SDN/QJ-Minneapolis
contact@qurbejoog.com