Xukuumada Somalia oo ka Hadashay Dilka Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame
Muqdisho 23.July 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyey dilkii magaalada Muqdisho loogu geystey, Allaha u naxariistee marxuumad Saado Cali Warsame oo xubin ka ahayd xildhibaannada baarlammaanka federaalka ah ee cSoomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay dilka xildhibaanadda mid bahal nimo ah oo looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo dowlad nimada Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in caddaaladda la hor keeni doono kuwa ka dambeeyey dilka marxuumad Saado.
Cabdiwali ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Saado Cali ay ahayd xildhibaan qaran, xubin fir fircoonna ay ka ahayd hobollada qaranka Soomaaliyeed kuwooda loogu jecel yahay, laguna xusuusan waddaniyad iyo karti.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacbiga Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay, marxuumad Saado Cali Warasme, wuxuuna Alle ka baryey inuu u naxariisto marxuumadda.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com