|

War Degdeg ah: Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Dhuumasho Ku Soo Galay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Ujeeddada Socdaalkiisu Salka ku Hayo

Hargeysa:July,23,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa Haatan si kedis ah u galay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda oo ku taalla goob aan ka fogayn Xarunta Aqalka Madaxtooyada.

BREEKINSida uu noogu soo warramayo Wariyahayaga ku sugan Xarunta Wasaaraddu, waxa si kedis ah loo arkay madaxweyne ku xigeenka oo gudaha  isii galaya Xarunta Wasaaradda oo wasiiku ka maqan yahay, waxana uu  isla-markiiba abaaray Xafiiska Agaasimaha Guud Saleebaan Jaamac Diiririye oo isagu hawlaha wasaaradda Gacanta ku sii Haya.

Kulanka Madaweyne-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ahaa haatan socda, iyadoo Albaabadu u xidhan yihiin, mana jirto cid si toos ah uga Haysa Xogta wada Hadalkooda.

Kulankan kediska ah ee madaxweyne-ku-xigeenku ku jooga Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan Dibadda u soo baxay Muran dhex yaalla wasaarradda Maaliyadda iyo madaxweyne-ku-xigeenka, maadaama wasiirrada wasaaraha Maaliyadda iyo madaxtooyada oo dalka ka maqani isku raaceen inaan wax lacag ah loo ogolaanin madaxtooyada inta uu madaxweynuhu dalka ka maqan yahay.

Arrintaas ayaa waxa si weyn uga cadhooday mudane Saylici, waxana uu dhawr goor isku dayey inuu shaqada iska joojiyo, maadaama loo diiday ogolaanshaha lacagaha hore wasaaradda maaliyaddu u siin jirtey Madaxtooyada.

Murankaas oo ah mid wali taagan ayaa la filayaa inuu keenay in madaweyne-ku-xigeenku Cagihiisa ugu tago Agaasimaha Guud oo isagu xambaarsan dardaarankii Wasiir Xirsi iyo Samale, lamana garanayo waxa uu ku dhammaan doono Kulanka labadan masuul ee haatan soconayaa.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa markasta oo madaxweyne siilaanyo dalka ka baxa la kulma Cadaadis iyo dhibaato kaga timaadda Wasiirrada Awoodda badan ee xukuumadda Kulmiye ka tirsan, waxana taas u sii raacay xidhiidhkii isaga iyo Guddoomiye Muuse oo Meesha ka maqan, maadaama uu muuse ahaa Tiirka uu cuskan jirey Marka dhibkan oo kale oo waajaho.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed