5-Askari Oo Ciidanka Dawladda Ka Tirsan Oo Xalay Al-shabaab Hal Guri ku Dileen
Shalambood:July,23,2014(SDN/QJ)-Magaalada Shalambood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa Weerar Xalay Kooxaha Al-shabaab ku qaadeen waxa ay ku laayeen Tiro ka tirsan Ciidamada dawladda Federalka sida ay madax Dawladda ka tirsan Qireen.
Ciidankan la laayey oo Tiradooda lagu sheegay 5-Askari ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen Aqal Magaalada ku yaalla, waxana Kooxihii weerarka Geystay ay isla-goobta ku laayeen Dhammaan Askartii guriga ku jirtey.
Nuur Cismaan Raage oo ah Gudoomiyaha Degmada, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada halkaasi lagu laayay waxana uu Tilmaamay inay is difaaceeb balse nasiib daro ay halkaasi ku dhamaadeen.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu intaa raaciyay in dhawaaqa rasaasta ay ku baxeen Ciidamada Ammaanka balse markii ay goobta gaadheen ay ka waayeen Alshabaabkii weerarka qaaday, wuxuuna intaa kusii daray inay goobta ugu tageen 5-tii askari oo meyd ah.
Dhanka kale, Weerarada noocaasi ah ayaa waxa ay mudooyinkaani kusoo laa-laabanayeen Degmada Shalaanbood ee G/sh/hoose, waxana aan jirin cid loo qabqabtay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com