|

Dilalkii Nairobi Loogu Geystay Ganacsatada Somalida Dhawaan Oo War Laga Soo Saaray

Nairobi:July,23,2014(SDN/QJ)-Dilalkii Argagaxa lahaa ee dhawaan ganacsato soomaaliyeed lloogu geystay Magalada Nairobi, ayaa waxa markii ugu horraysay ka Hadashay Safaaradda Somalidu ku leedahay Kenya.

saiyQunsulka safaarada Soomaaliya ee Nairobi Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxa uu sheegay in safaaraddu ay la socoto arimahani islamarkana ay ka shaqaynayso sidii wax looga qaban lahaa ama baadhitaano natiijo leh loogu samayn lahaa.

Mr Siyaad oo waraysi gaar ah siinayay idaacado dalka Kenya ku yaalla, ayaa waxa uu shegay in dadka Soomaalida ah ay yihiin dhowr qaybood oo haysta dhalashooyiin kala duwan islamarkana ay arintaasi xaqiijin u baahan tahay .

 

Qunsulka safaarada Soomaaliya ee Nairobi Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxa uu dhanka kale ugu baaqay dadka Soomaalida ah ee Nairobi in ay marka ay dhibaato la soo gudboonaato ay la soo xidhiidhaan safaarada Soomaaliya si arrimahooda xalkoodu u fududaado.

Hadalka Qunsulka ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalintii sabtida ahayd laga helay maydadka 3 qof oo la sheegay in ganacsato ahaayeen islamarkana sida la sheegay hora loo afduubtay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed