Sirdoonka Mareykanka oo ku guul dareystay in ay Ruushka dusha u saaraan duyuuradii Malesiya ee la soo riday
Washington July 23,2014(SDN/QJ)-Sirdoonka Mareykanka oo baaritaan ku sameeyay in Ruushku ku lug lahaa soo riditaankii duyuuradii reer Malasiya ee lagu soo riday dalka Ukraine ayaa sheegay in aaney hubin in Ruushku ka dabeeyay falkaasi.
Sirdoonka Mareykanka ayaase sheegay in Ruushku ay hubeeyeen isla markaana tababreen ciidamada gooni u goosadka ee bariga Ukraine.
Mareykanka madaxdiisa sare oo Obama uu ku jiro ayaa hore Ruushka ugu eedeeyay in ay si toos ah ugu lug lahaayeen soo rididii duyuurada Malasiya
Ruushka ayaa hore u sheegay in aanu wax lug ah ku laheyn soo ridida duyuurada MH17.
Mucaaridka iyo muxaafidka Ukraine ayaa midba ka kale ku eedeeyay in uu ku lug lahaa soo rididii Duyuurada rakaabka aheyd.
Duyuurada ayaa waxa la socday 238 ruux oo gebi ahaantoodaba ku geeriyooday weerarkaasi.
SDN/QJ-Washington
contact@qurbejoog.com