Madashii Wadatashiga Oo Hal Sano Ka Dib Hadalkoodii La La’yahay Iyo Xusuustii Qormadii Aan Wakhtigaa Ka Qoray by Daacad
“Nin ku yidhi sinaan mayno ,
Adna buri sarayntiisa,
.sidka waad wadaagtaane,
.ma sagaashanbaa tiisu”.
Abwaan Hadraawi
“Rag hadaad wax ka haysoo ,
Beryo ruugto laftiisa ,
Ricidhihiisa cidaado,
Ku raaxaysato dhiiga,
Raadkii buu gurayaayoo,
Raqdiina wuu arkayaaye,
Reenkana ways ku gartaaye,
Ha riix riixine daaya”.
Abwaan Timacade
Waxaan maanta qalinka u qaatay in aan codkayga ku biiriyo hambalyaynta,bogaadinta iyo dhiirigelinta Golaha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ee 9/07/2013 lagaga dhawaaqay caasimada Somaliland ee Magalada Hargeysa.
Oo runtii ay buddhigayaal ka yihiin shaqsiyaad u hagar baxay una istaagay bad-baadinta iyo samato-bixinta qarankan curdinka ah ee baadi goobaya helida citiraaf caalamiya iyo ka mid noqoshada bulshada caalamka.
Ma aha su’aal taagan oo lays waydiinayo dadkan iyo cida ay yihiin hadaan si kale u dhigo, taariikh dooda,shaqadooda ,khibradooda,waxa lagu majiirto wadar ahaan iyo waaxid ahaanba.
Bal aan idiin hormeeyo foolaadka dhidibada u taagay Golahan qaran waxana ugu magic dheer :
1:Ibraahim Dhegawayne:oo ahaa mujaahid duurka u galay in uu wadan kiisa uu ka xoreeyo rijiimkii Siyaad Bare ee saxalaha iyo saxariirta baday shacabka Somaliland,kana dhiidhiyey dulmiga iyo xaqdarada lagu hayo umaddiisa,kuna guulaystay in uu dhiig miirato badan birta ka also u’na hogeeyo.
Waxana dad badan oo somaliyeed oo nacab iyo sokeeye ahiba ku majiirtaan in uu Dhegewayne ahaa mid tababarkiisii aadka u sareeyay u saamaxay in uu guulo badan oo dhinaca dagaalka ah u soo hooyo umaddiisa,guutooyinkii uu wataaayna ay jab iyo gooba badeen macan-gagii af-wayne.
Waxaa ban maqlay muuse Biixi oo ka sheekaynaya qisooyin layaab leh oo ku lamaaan Mujaahidkan la huri waayey, waxa uu ahaa ninka kaligii diyaarad lagu baacsanayey ee aan hadana lagu guulaysan in la qabto ama ladilo taas oo labaduba guul ugu suntanaan lahaa taliskii dhiig miiratada ahaa ee siyaad Bare.
Maantana Dhega-wayne waa ninkaa ka damqaday in la soof daran habawsho maandeeqdii uu maalka , muruqa iyo maskaxdaba u hibeeyay.
Siina amba-qaado hawshii iyo halgankii uu nafdiisa qaaliga ah uu u huray.
2:Xasan Ciise Jamac:
Waa mid ka mid ah dadkii ibo- furay ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga somaliyeed (Somali national movement) ,oo sanadkii 1981-kii lagaga dhawaaqay magalada London ee dalka Ingiriiska,waana mid ka mid ah suxufiyiintii dadka sida hagar la’aanata ah ugu soo tabin jirey dibad baxyadii lagaga soo horjeeday xukuumaddii tamar iyo tacaba isugu geesay dabar gooynta shacabka aan waxba tahli karayn ee taguugaha ka jabisay ee ku noolaa goboladii waqooyi ee wixii laysku odhan jirey jamhuuriyadda somaliya.
Mudo dheer ayuu ka mid ahaa jabhadii dib u xoraynta ee SNM ilaa uu aakhirkii noqday Madaxwayne ku Xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato 1991-kii dawladii uu madaxwaynaha ka ahaa Alle Ha u naxariistee Cabdiraxmaan Tuur taas oo uu mudo xileedkeedu ahaa laba sano.
Kama gayoonayno in la tafniido ama lays yidhaahdo sharax waafiya ka bixiya taariikhda faca wayn ee shakhsiyaadkan ku lamaan,waxana ka mid ah shakhsiyaadka Golahani mideeyay ninka xalaal-miiradka ah ee isaga iyo musuq-maasuq ay kala yihiin kaaf iyo kala dheeri ee Maxamed Xaashi Cilmi,kana mid ahaa baalashii ururkii SNM ee sida hagar la’aanta ah uga taakulayn jirey dhinaca dhaqaalaha iyo maaliyada,nimanka kale ee Golahan ka dhex muuqda waxa ka mid ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Warabe kana mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Somaliland ka hirgeliyey nidaamka xisbiyada badan (Multi Party System) sidoo kalena ka mid ah dadka aadka ugu ad-adag ee aan la gabanin difaacida qaranimada iyo madax banaanida Somaliland.
Hal-doorkan ayaa golahan ku dhawaaqay ka markii ay arkeen in wixii laga soo dagaalamay ay hal-beeg u noqdeen dadkii ay umaddu cod iyo caynaanba u caleemo saartay ee ahaa eex-da,qaraabo kiilka,nin jeclaysiga,musuqa,cabudhinta saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka iyo intii ugu darnayd ee laga ducaysan jiray.
Waana halkii uu abwaankii soomaaliyeed lahaa:
“danbarkeeda maandeeq nimaan, dooninbaa dhamaye,
Shacbigii dagaalka u gala,daadsan suuqyada e’,
Dawarsadaha qaawani kuwuu,daasadahaw madhiyay,
Ee daasaskeenii wixii,yaalay lagu doortay,
Diqsi lama xisaabsanid hadaad ,daw ku kulantaane”.
Waxaanan leeyhay nimankaa odayaasha ah waxa waxa aad u istaagteen wadankiina wakhtigii ugu haboonaa,waa wakhti dalkii gacanta u galay dad gaar ah,shirkado gaar ah ,ganacsato gaar ah iyo guul-wadayaal gaar ah ,waxa malahayga waxa haboon in aan idin idhaado heestii ay ku luuqayn jirtay fanaanada HIBO NUURA ee erayadeeda ay ka mid ahaayeen:
“Rag la’aani waa cudur,taws iyo xanuun leh”
Dhinaca kale hadaan iska taago waxa inoogu filan ragan iyo saamanyta ay leeyihiin sida firkanaxa ah ee xukuumadeena dhagta kaliya wax k maqashaa uga diday isla ku dhawaaqistii Galahan wadatashiga iyo Toosinta qaranka Somaliland.waxaana haatan soo baxaya isku dayo ay xukuumadu doonayso in lagu horjoogsado golahan ka dhiidhiyay dheeliga iyo dhabaha leexsan ee wadankii lagu dheelminaayo.
Dad badan aya aaminsan sidii foosha xumayd ee loo maamulay doorashooyinkii Golaha deegaanka ee wadanka ka qabsoomay 28-11-2012-ka in ay ahayd oo kaliya in ay soo baxaan mucaarad aan awood badan lahayn iyo qaar ay xukuumada gacan saar leeyihiin,kuwa mucaaradka ah-na awoodooda la wiiqo si aanay wax awood ah oo sidaa u sii ridan u la haanin marka loo eego xisbul-xaamka kulmiye.
Waxa kale oo aan wax qarsoon ahayn in saxaafadda soomaliland maanta ay marayso halkii ugu darnayd joogto oo ay noqdeen qaar la cabudhiyay oo dil,ganaax iyo xadhigba lays kugu daray iyo qaar ay xidhiidh la yeelatay oo danteeda ah uun laga baahiyo.
Oo miyaanay ogayn in aduunku yahay hadhka iyo labadiisa galin”hadaad maanta ceegaag tihiin,caynkalaa xigi”.sawkii timacade lahaa :
“ninkii dhiiga nuugaba marbaa, nudaygu qoonmaaye,
Naqa laasoo dabadeedna waa,lagu naawiliye”.
Ma waxa ay isla haayeen mar hadaad reebteen dhaga-wayne,xasan ciise ,faysal iyo cirro-na madaxa isu galiseen hurdada dheeraysta oo ka dhabeeya hamigii siilanyo ee ahaa:”madaxtooyo galisteed hadii,guule igu simay,
Walee geeri moooyee,kama guuro weeyaan”.
Miyaanay burkaba bahal ka filan? Miyaanay ogayn in dulmigu aanu dhixin waxan xusuustay toducyadii abwaankii soomaaliyeed:
“ninkii saaka xoor dhamayba hadhkaa,lagu xabaadhaaye,
Xero malaha nabsigu waa sida xoolohoo kale eh”.
Ugu danbaytii waxaan u soo jeedinayaa dhamaan aqoonyahanka ,waxgaradka ,qalin-maalka maskax-maalka,tix-maalka iyo cidkasta oo u heelan badbaadinta iyo samata-bixinta qarankan curdinka ah ee baaadi goobaya aqoonsi caalami ah in hiil iyo hooba ugu hawl-baxaan Golahan qaran.
Qallinkii:Maxamed Xasan Daacad
Freelance journalist
Hargaysa, somaliland
Email:daacad409@hotmail.com