|

Madaxweyne Xasan: “Waxaa nagu waajib ah ilaalinta biyaha Soomaaliya”

Muqdisho, July 22 2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray kaldhiga 4-aad ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad xarunta golaha shacabka ka jeediyey ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan xildhibaanadii iyo dadkii kale ee ku geeriyooday mudadii lagu gudajiray kal-fadhagii 4-aad oo maanta soo xirmay. Madaxweynaha ayaa xildhibaanadda uga mahad-celiyey howlahii ay soo qabteen mudadii labada Sano ahay ee ay soo shaqeynayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday warqad qoraal ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay oo tilmaameysa xaduudaha biyaha Soomaaliya

“Soomaaliya waxay leedahay badda ugu ballaaran qaarada Afrika, biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed. Waxaanna nagu waajib ah Iilaalinta biyaha Soomaaliya. Xuquuqda ummad walabi waxaa lagu ilaashadaa sharuucdeeda iyo sharuucda caalamiga Soomaaliyana waxay xubin ka tahay dalalka saxiixay heshiska baddaha caalamiga. Isbuucii la soo dhaafay waxay Dowladda Soomaaliyeed diiwaangashatay 350 nautical miles oo ah biyaheenna xaqa aanu u leenahay’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey. “Intaas haddii aanan sameyn waxaa dayacmi lahaa biyaheenana, sidaad ogtihiin in biyaheena wasaq lagu shubo, si sharci dara ah looga kaluumeysto, Waxaa masuul ka ahayd maqnaashaha aarintaas. documenti-yada iyo qariidadihii la gudbiyeyna Baarlmaanka ayaa la horkeeni doonaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay warbixintii horu-dhac ahayd ee ay soo saareen kooxda la socodka cuna-qabateynta hubka dalalka Soomaaliya iyo Eretaria

“ Sidii cadada ahayd qolooyinka monitoring group-ka waxay soo sareen warbixin horu-dhac ah waxay tilmaameysaa dhaliilo iyo eedeymo Dowladda Soomaaliya waxay ka jawaabtay dhaliilahaas iyo eedyamahaasi oo waxaaan u diranay Qaramada Midoobay. Waxaan rabaa inaan idin sheego in dowladda Soomaaliya iyo dhammaan hey’adaheeda meel cidlo ah ayey ka biliowday labadda arrimood oo ay sheegeen oo ah lacagta iyo hubka dowladda”. ayuu yiri Madaxweynaha

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo xiray kaldhigii Afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed