|

Mulkiilaha shirkada Magan`s Taxi Mahad X. Cabdi Good oo ku sii jeeda dalkii, isagoo halkaa ku bixin doona tababaro iyo casharo tabaruc ah oo la xidhiidha habka wado marista gaadiidka

London July 22,2014(SDN/QJ)-Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa maalinba maalinta ka dambaysa ku sii badanaya gaadiidka yar yar iyo kuwa waaweynba. Taa waxa barbar socda taranka iyo korodhka dadka iyo dadkii oo magaalooyinka waaweyn ku soo ururey. Gaadiidka iyo dadku waxay wadaagaan wadooyinka, taasina waxay marar badan keentaa shilal ka dhaca gudaha magaalooyinka. Dhinaca wadooyinka dibeda uga baxa magaalooyinka waxa inta badan ka dhaca shilal ay sabab u tahay wadooyinka oo yaryar, baabuurta oo xawli sare ku socota, khibrad yaraanta darawalada gaadiidka khaasatan dhalinyarada, dayactir la`aan baaburta haysata oo keenta in taayir baxo, bireegu qaban waayo iwm. Nidaamka wado-marista ee dalkeenu waa bidixle, inta badanse gaadiidka ka shaqeeyaa waa midiglayaal, taasina waxay kordhisaa shilalaka ka dhaca wadooyinka. Xukuumada Somaliland waxay dhinaceeda ku dedaashaa sidii shilalkaa gawaadhida loo yarayn lahaa, waxase loo baahan yahay dhinaca dadweynahana in laga helo cid isu xilqaanta hawshan.

 

Hadaba, mulkiilaha shirkada Magan`s taxi oo aqoon durugsan u leh nidaamka shuruucda iyo nabadgelyada wado marista gaadiidka, isla markaana dalkii ku sii jeeda ayaa ii sheegay inuu ku talojiro inuu si tabaruc ah u bixiyo tababaro iyo casharo la xidhiidha wado marista, iyo nabadgelyada wadooyinka. Tani waa wacyigelin iyo Practical wada socda waxaana ka faa`iideysan doona dhalinyarada aan khibrada darawalnimo lahayn oo ah kuwa ugu badan ee shilalaka gaadiidka sababa. Waxa xusid mudan, in Muwaadinkani uu dhowaan $10,000 dollar ugu tabarucay dhismaha wadada cad ee isku xidhaysa Hargeisa-Sallaxley-Ina Guuxaa. Waxaan rajeynayaa in laga faa`iideysan doono casharadaa iyo wacyigelintaa muhiimka ah.

 

SDN/QJ-London

 

 

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed