Saddex Ka mid Dadkii Sirdoonka Djibouti Ka Qafaashay Somaliland Oo Xorriyadoodii dib u Helay
Saylac:July,22,2014(SDN/QJ-Siroonka Dalka Djibouti ayaa la sheegay inay Xorriyadoodii dib ugu soo celiyeen Saddex ka mid ah Dirawalladii Gaadiidka Xamuulka ee Somaliland iyo Djibouti u kala Bixi jirey oo muddo Xabsiyada Djibouti ku xidhnaa.
Dirawalladan la sii daayey ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Wade Magaciisa lagu sheegay Batuun oo maalmihii ugu dambeeyye Laga Qafaashay Magaalada Saylac, kaas oo shacabka halkaasi ku dhaqani si weyn uga cadhoodeen.
Daddkan la sii daayey ayaa la sheegayaa inay wali ku sugan yihiin Gudaha Dalka Djibouti, waxana lagu wadaa inay maalmaha soo socda inay u soo socdaalaan dalkooda Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa wax tallaabo ah u qaadin sidii dadkan looga soo celin lahaa Djibouti, waxase ay taas beddelkeeda shacabka u sii gacann geliyeen Dhiggoodda Djibouti.
Dadkan la sii daayey ayaan la ogayn sababta ka dambaysa sii dayntooda, waxase wararka qaarkood sheegayaan in lagu waaeyye wax dembi ah oo cad.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com