|

Djibouti Oo Ciidamadeeda Heegankii ugu sarreeyey Gelisay iyo Shaki laga Qabo in Weeraro Dalkaas Ka Dhacaan

 

Djibouti:July,22,2014(SDN/QJ)-Waxa Heegankii ugu sarreeyey la geliyey Ciidamada ammaanka Dalka Djibouti kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay dalkaas ku soo wajahn yihiin weerarro argagaxiso.

dibb Ciidamada Jabuuti, ayaa waxaa la arkayaa iyagoo si weyn u xakameynaaya dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Jabuuti, waxayna su’aalo weydiinayaan dadka gaadiidka watay, iyagoona baadhitaano ku sameynaaya.

Ciidamada Jabuuti, ayaa waxay wadaan tallaabooyin ay kaga hortaggayaan weeraro kaga yimaada dhinaca Ururka Al Shabaab, iyadoo ay Al Shabaab sheegatay masuuliyada weerarkii ka dhacay 24-kii bishii May.

 

Maxamed Cali Yuusuf, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa wuxuu daaha ka rogay inay doonayaan, inay fashiliyaan weerarada kaga iman kara Al Shabaab.

Wasiirka waxa uu sheegay in Al Shabaab ay diidan tahay, sida Dowladda Jabuuti ay kaga qayb qaadaneyso dadaalada nabadda lagu raadinaayo ee dalka Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro qarsoon u meleegaysa waddamada ay ciidamadu ka joogaan Dalka Somalia, iyadoo hore loo qarxiyey dalalka Kenya iyo Ugaanda, isla-markaana la fashiliyey isku dayo weerar oo dalka Ethiopia gudihiisa laga fulin lahaa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed