Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Hortegi Doona Golaha Shacabka iyo Waddooyinka Waaweyn Oo La Wada Xidhay
Mudisho:July,22,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha SomaliaXasan Sheekh  Maxamuud, ayaa lagu wadaaa inuu Maanta hortago Baarlamaanka, iyadoo Mudanayaashu u ballansan yihiiin kulan ay Madaweynaha la yeelanayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu khudbad u jeedin doonaa Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo taagan awadeed, oo aan xilligan faahfaahin badan laga hayn.
Madaxweynaha waxa uu sidoo kale uu maanta fadhigii 4-aad u soo xidhi doonaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, oo 17-kii cisho ee la soo dhaafay aan wax kulan ah yeelan.
Saddexdii bishan waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, halka 5-tii bishana uu weerar ismiidaamin ah ka dhacay meel ku dhow Baarlamaanka.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa maanta xidhan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, ilaa iyo inta laga soo gaba gabeynaayo kulanka maanta ka qabsoomaaya Xarunta Golaha Shacabka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com