|

Qarax Khasaare Keenay Oo Saaka Ka Dhacay Magaalada Galkacyo

Gaalkacyo:July,22,2014(SDN/QJ)-Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax khasaare Geystay lagula geystay Halkaas ciidamo.

BREEKINQaraxa ayaa waxaa Ciidamada lala eegtay xilli ay fulinayeen Howlgalo lagu qabqabanaayay Maleeshiyaad la sheegay inay taabcsanaayeen Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaayay Xaafadaha Magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay Laba Askari oo ka tirsanaa Maamulkaasi ayaa waxa uu Qaraxa kasoo gaadhay dhaawac, halka ay wararka qaarna sheegayaan in hal kalana uu u dhintay dhaawac culus oo halkaasi kasoo gaadhay, waxaana lagula eegtay Check Point Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Galkacyo.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi gurmad ahaan usoo gaadhay Ciidamadda Ammaanka oo iyagu qabqabtay dad lala xidhiidhinaayo inay indha indheynayeen Qaabka Qaraxa, wallow wararka qaar ay sheegayaan in dad loo qabqabtay.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa loo adeegsaday Bam gacmeed, waxa uuna Qaraxaasi imanayaa Xilli ay Kooxda ku hanjabtay in Weerarada Muqdisho loo wareejin doono Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada uu dhaawaca soo gaadhay lagu dabiibaayo Xarumaha caafimaadka waxa ayna ka gaabsadeen inay ka bixiyaan wax faah-faahin dheeri ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed