Waxgarad iyo Dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Subeer Awal oo Xalay Kulan la qaatay Musharaxa Madaxweyne ee Ucid
Hargaysa 22.July 2014 (SDN/QJ)- Kulan Xasaasi ah ayaa Xalaywaxa uu guri ku yaalla magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ku dhex-maray Musharraxa u taagan Jagada Madaxwaynaha Xisbiga Maaciridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Madax-dhamqeed, Waxgarad, Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Dhalinyaro tiro badan oo ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal.
Waxa uu Kulankaas labada dhinac kulmiyey oo ka qabsoomay guri ku yaal degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa. Shirkan oo socday muddo dhawr saacadood ah, ayaa lagu gorfeeyey arrimo door ah, kuwaasoo ku taxaluqa xaaladaha dalku galay iyo sidii loo midayn lahaa Siyaasiyan Beeshaasi, waxaanay dhammaantood dadkii halkaasi ka hadlay ay madashaasi ku iclaamiyeen inay taageeradooda siin doonaan doorashooyinka soo socda Xisbiga UCID.
Kulankan, ayaa arrimihii lagu falanqeeyey waxa ka mid ahaa sidii dalka looga badbaadin lahaa Xukuumadda KULMIYE oo Masuuliyiintii Madasha ka hadashay ay dhammaantood ku dhalliileen inay ku fashilantay hoggaaminta talada dalka, kuwaasoo isku qanciyey in badbaadada Somaliland ay wakhtigan ku xidhan tahay in la taageero Asxaabta Mucaaridka, gaar ahaan Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID oo Musharrixiisa Madaxwaynaha ay kalsooni iyo taageera-ba halkaasi ugu muujiyeen.
Sidoo kale, Shirkan oo ay ka soo xaadireen ku dhawaad 20 xubnood oo isugu jira Madax-dhaqmeedka Subeer Awal, Aqoonyahanno, Dhalinyaro, Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Wax-garad tiro badan, ayaa waxa Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), Ibraahim C/llaahi Xuseen (Dhago-wayne) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha wad-tashiga iyo toosinta Qaranka, Xildhibaan Qabille, Xubno ka mid ah Madax-dhaqmeedka iyo Musharraxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaasoo dhammaantood sheegay in dalku u baahan yahay badbaado, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in isbeddal Siyaasi ah uu ka dhaco, isla markaana codkii ay ku timid Xukuumadda Kulmiye lagu beddalo.
Musharraxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen oo kulankaas ka hadlay, ayaa Madaxda Dhaqanka iyo Wax-garadka kale ee Shirkaas isugu yimi uga mahad-naqay taageerada ay u muujiyeen, isagoo u ballan-qaaday haddii uu talada dalka ku guulaysto inuu si Caddaalad ah u hoggaamin doono oo aanu Beeshiisa Sad-bursiimo gaar ah siin doonin xaq ay leeyihiinna aanu ka qaadi doonin, isagoo si qoto-dheer uga warramay sababta ku kalliftay hankiisa ah inuu isu taago Madaxwayne-nimo.
Jamaal Cali Xuseen, waxa uu kulankaas ka sheegay inaanu Somaliland u imannin inuu ka shaqaysto ee uu u yimid sidii uu bulshadda Somaliland ugu hoggaamin lahaa horumar iyo inuu aqoonsi gaadhsiiyo. Jamaal waxa uu sidoo kale sheegay inaanay aqbali doonin wax muddo kordhin ah oo ay Xukuumaddu la timaado.
Ugu danbayn waxa kulankaasi lagu go’aamiyey sidii loo samayn lahaa Guddi ka kooban qaybaha bulshadda beelaha Subeer Awal oo ka shaqaysa horumarka iyo sidii siyaasiyan loogu midayn lahaa beeshaasi, isla markaana guddidaasi ayaa shaqadeeda la xussay inay noqon doonto mid isku soo dhawaysa beesha Subeer Awal iyo beelaha kale ee Somaliland.
Geesta kale, Madax-dhamqeedkii, Wax-garadkii, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii, Xildhibaannadii iyo Dhalinyaradii shirkaasi isugu yimi, ayaa u ballamay shirar kale, iyagoo isku afgartay inay ka shaqeeyaan sidii looga midho-dhalin lahaa arrimaha ay kulankoodan caawa ku falanqeeyeen.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com