Shil Naxdin leh: Sideed Qof oo Xiligii Afurkii Ku Naf Waayay Shil baabuur oo ka Dhacay Degmada Burtinle ee Maamul Goboleedka Punt land
Burtinle 21.July 2014 (SDN/QJ)- Siddeed qof ayaa ku dhintay shilgaari oo afurkii waxyar ka hor ku dhacay inta u dhaxaysa Degmada Burtinle iyo Garowe iyadoo dadka dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay la keenay Isbitaalka guud ee magalada Garowe.
Dadka shilkaasi gaari ku dhintay ayaa waxaa ku jira Cabdishakuur Maxamed Guray oo soo noqday Agaasimihii Hay’adda Daryeelka bulshada, agaasimihii xafiiska xiligii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Dhinaca kale Cabdishakuur Maxamud Gurey ayaa madaxwayne Gaas waxa uu u magacabay Agaasimaha Hay’adda Maalgashiga iyo Horumarinta Puntland oo Khamiistii la soo dhaafey laga ansaxiyey golaha Wasiirada Puntland.
Dadka dhaawacmay sidoo kale waxaa ka mid ah Shiikh Maxamed Cabdi Qorane oo dhaawiciisu khatar aheyn.
Wariye Axmed Cawil Jaamac oo isbitaalka tagay kana mid ahaa dadkii Maydadka wax ka qaaday ayaa soo sheegay in shilkaan uu yimi ka dib markii labo gaari ay isku dhaceen tasoo markii danbe sababtay in dhimasho iyo dhaawacba uu yimaado.
Burtinle SDN/QJ
contact@qurbejoog.com