|

Xukuumadda Somalia oo Ku Hawlan Wax ka Qabashada Amniga iyo Abaaraha

Muqdisho 21.July 2014 (SDN/QJ)- Golaha xukuumadda ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn oo uu maanta ku yeeshay Muqdisho uga hadlay arrimaha nabadgalyada, abaaraha iyo dar-dar galinta qorshaha hiigsiga cusub ee (New deal).

Kulanka_Golaha_Wasiirada_Dowladda_Somalia_11-300x200Af-hayeenka xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in wasiirradu ay falanqayn kadib go’aansadeen in la dardar galiyo hawl-gallada amniga iyo samata bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ridwaan ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigto dadka caadeystey in ay dilal iyo tacaddiyo kaleba u geystaan dadka Soomaaliyeed, ayna horgeyso caddaaladda lagula xisaabtamo.

Dhinaca kale, wasiirrada ayaa isku raacay in la dar-dar galiyo xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka, si loo dhaqan galiyo go’aannadii beesha caalamku ay Soomaaliya ugu deeqay 2.4 Billion oo dollar, taasoo  aan wali soo galin gacanta dowladda.

Kulanka aan caadiga ahayn ee golaha wasiirradu ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyey ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed