Tirada Askarta Kenya Kaga Dhimatay Gudaha Somalia Oo La Shaaciyey
Nairobi:July,21,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta Dalka Kenya qaar ka mid ah ayaa shaaciyey Tirada Rasmiga ah ee Ciidanka Kenya lagaga Dilay Gudaha dalka somalia.
Jariiradda Whereiskenya oo ka mid ah Wargeysyada Dalkaas ka soo baxa ayaa daabacday in Gudaha Somalia lagu dilay ugu yaraan 3000-Askari oo Kenyan ah tan iyo intii ciidankaasi gudaha u galay Somalia.
Wargayska ayaa warbixintiisa ku sheegay in warar hoose oo la helay ay muujinayaan in Kenya dagaalka ay kula jirto Xarakada AL-Shabaab ee Soomaaliya ay ku wayday in ka badan 3,000 oo askari kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixinta Wargayska ayaa ku soo beegmaysa xili Todobadkii la soo dhaafay Ra’isul wasaarihii hore ee Kenya hadana ah hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Cord ee Kenya uu ka dalbaday dowlada Kenya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Uhurru in ay soo bandhigto inta askari ee Kenyaan ah ee ku dhintay dagaalka ay kula jiraan AL-Shaababka Soomaaliya dalabkaas oo dowlada Kenya ay ku gacansaydhay.
Lama oga waxa ka jiri kara wararkan muujinaya in in kabadan 3,000 oo askari o kenyaan ah lagu dilay dalka Soomaaliya laguna daabacay Wargayska whereiskenya ee wadanka kenya ka soo baxa, maadaama aanay jirin cid isaga ka madax bannaan oo shaacisay warkaasi.
Kenya aaya ciidamadeedda u soo dirtay dalka Soomaaliya 3 sano ka hor si ay ula dagaalamaan Xarakada Dhaq dhaqaaqa AL-Shabaab oo Kenya ay ku eedaysay xiligaas in ay masuul ka ahayeen afduubyo iyo fal dambiyeedyo Kenya ka dhacayay.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com