Muqdisho Oo Xalay Lagu Dilay Shan Qof Oo Shacab ahaa
Muqdisho:July,21,2014(SDN/QJ)-Dad tiradooda lagu sheegay ilaa iyo shan qof ayaa Habeenkii xalay siyaabo kala duwan loogu laayey Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.
Dilalka dadkan oo shacab ahaa ayaa la sheegayaa inay Fuliyeen Kooxo Budhcad ah oo aan Haybtooda la aqoonsan, kuwaas oo si gaadmo ah ku laayey Dadkaas.
Saddex qof, ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo laba ka mid ah lagu dilay Isgoyska Tarabuunka, xilli ay ku sugnaayeen dhismaha Tarabuunka, oo ay fadhiyeen.
Rag bastoolado ku hubeysnaa, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay toogasho ku dileen labadaasi ruux, isla-markaana ay ka baxsadeen Isgoyska Tarabuunka, oo ay khaarajinta ka geysteen.
Qofka 3-aad, ayaa lagu dilay dhabarka dambe ee Isgoyska Tarabuunka, gaar ahaan dhianca Garoonka Horseed, oo lagu ciyaaro kubadda cagta, waxaana sidoo kale dilay rag bistoolado ku hubeysnaa.
Xoogag kale oo bastoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay laba ruux ku dishay Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadaha Carafaat iyo Towfiiq, oo ka wada tirsan Degmadaasi Yaaqshiid.
Raggii siyaabooyinka kala duwan u dilay labadaasi ruux, ayaa sidoo kale waxay ka baxsadeen Degmada Yaaqsiid, mana jirto cid loo soo qab qabtay dilalkoodii.
Dilalkan cusub ayaa sii kordhinaya Cabsida ay reer Muqdisho ka qabaan Ammaankooda, iyadoo ciidamo badani Waddooyinka Dhooban yihiin, haddana dilalka ayaa marba marka kasii dambaysa ku badanay Gudaha Magaalada.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com