|

Taliyaha Cusub ee Booliska Somalia oo Xilkii la Wareegay Iyo Muuqaal ay Canada Ku Tilmaamayso Dagaal ooge oo Shaaca laga qaaday Daawo

Muqdisho 21.July 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha cusub ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa si rasmi ah xilkii ugala  wareegay taliyihii hore ee ciidanka, Gen. Cabixakiim Daahir Siciid.

Xaflad loogu talagalay xil-wareejinta oo lugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda , saraakiisha ciidanka boliiska iyo xubno ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya  Ibraahim Isxaaq Yaroow oo hadal ka jeediyey xafladda ayaa u mahadceliyey taliyihii hore ee booliska Soomaaliya, oo uu ku ammaanay wax qabadkiisii muddadii uu hayey xilka, wuxuuna kula dardaarmay taliyaha cusub  inuu la yimaado waxqabad iyo howlkarnimo.

Taliyihii hore ee ciidanka boliska Soomaaliyeed, Generaal CabdixakiiM Daahir Siciid ayaa isaguna sheegay in uu la shaqayn doono taliyaha cusub, wuxuuna u mahadceliyey saraakiishii ay soo wada shaqeeyeen, muddadii uu hayey xilka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismcaail dhawaan u magacaabay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca Kale Dawlada Canada ayaa Ku Celisay in aliyaha cusub ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ay u haysato dagaal ooge Sameeyay Dunuub aadminimo.

Waa barnaamij uu TV-ga CBS ee Canada sii daayey 7-dii October 1992, oo ka hadlaya uu dambiyadii Somalia ka gaystay taliyaha cusub ee booliiska Muqdisho  General Maxamed Xasan ismaaciil Faarax.

Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Comments are closed