“Garoon diyaaradeed oo yar oo aad xidhataan waxba idiin tari maayo, waana calaamadaha lagu garto dawlada sii dhaceysa” Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid
Hargaysa 21.July 2014 (SDN/QJ)-Murrashaxa Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md.Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay inuu caalamku u yaqaano xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, dawlad uu hadheeyey musuqmaasuq,isla markaana waxa uu ku eedeeyey xukuumadda inay ku fashilantay amnigii guud iyo wada-shaqeyntii aynu la lahayn waddamadda Jaarka.
Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta xisbiga UCID iyo taageerayaasha Xisbiga ee sida diiraan u soo dhaweeyey.
Murrashax Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu ugu baaqay xukuumadda Somaliland “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo dadka dulmiga u xidhan, ay ka mid yihiin qeybaha saxaafaddu, oo uu xidhan yahay Aqoonyahan Jiir,iyada oo lagu jiro tobbankii Ramadaan ugu danbeeyey, waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda inay dadkaasi xorriyadooda u soo celiso si ay ula ciidaan eheladooda iyo qaraabadooda”.
“Cabudhiska waa waxa maanta hoos u dhigay dawladnimadeeni,oo waa waxay khal-khalka ugu jirto, haddii uu caalamku inoo yaqaanay qaran dimuqraadiya oo kor u socda,maanta waxa laynoo yaqaana Caalam musuqmaasuq hadheeyay, oo waxa la inoo yaqaana dawlad xorriyatul-qawlku dhulka u dhacay oo saxaafaddoodii ay baa’aday”. Sidaa waxa uu Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ku sheegay mar uu saxaafadda ugu waramayey barxada Madaarka Caalamiga ah Egal International Airport ee Magaalada HJargeysa, kadib markii uu ka soo kicitimay waddan Uganda oo uu degen yahay.
Md. Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu ku eedeeyey xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay ku fashilantay amnigii waddanka iyo wada-shaqeyntii ay la lahayd waddamada Jaarka,waxaanu yidhi”Xukuumad ku fashilantay ammnigii guud iyo wada-shaqeyntii aynu la lahayn dawlada aynu jaarka nahay, ee aynu ka wada shaqeyn jirnay. Sadex dawladood oo xukuumaddan ka horeeyey, marna la inaguma dhaliilin ammniga guud ee Gobolka”.Ayuu
“Haddii shalay qaranimo lagu wareejiyey xukuumadda KULMIYE, maanta hadaaqu waxa uu u baddan yahay qabyaalad, joornaalka iyo Website-ka aad akhrido iyo Idaacada aad dhageysato, iyo Telefiishanka aad hor fadhiisato,…….qabyaaladina umadda way kala ka xaysa ee meel ma geyso, waa dhaxalkii xukuumada KULMIYE Afartii sanadood ay baday dalka, inay qabyaaladani noqoto waxa lagu hadaaqayo dalka”.Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”ILAAHAY waxaan ka rajeynayaa inay umaddu ku duceysato hoggaan khayr qaba, oo marada saara qabyaaladii ay dawladu fayday”.
Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu sheegay inay maanta ku soo dhaweeyeen Madaarka Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa Murrashaxa Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga UCID Dr. Cabdirashiid Xasan Mataan oo uu ku tilmaamay inuu socodkiisan ka yimid waddanka Uganda.
“Waxaanu ka xunahay iyada oo ah xili rabadaan ah inaanu shirkan jaraa’id ku qabano dibada, annaga oo madaxdii dalka waxa noo wanaagsanayd inaanu qolka VIP-da ku qabano ayey ahayd….garoon diyaaradeed oo yar oo aad xidhataan waxba idiin tari maayo, waana xaqdarro, waana calaamadaha lagu garto dawlada sii dhaceysa”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey masuuliyiin ka mida Xisbiga UCID oo laga hor istaagay inay gudaha Madaaarka soo galaan, wakhti ay soo dhaweynayeen Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo dalka dib ugu soo noqday.
Hargaysa SDN/QJ