Ciidanka Difaaca Xeebaha Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Tahriibayaal
Hargaysa 12.July 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha ciidanka illaalada xeebaha ee gobolka Selal saddex xidigle Haaruun Siciid Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad la rabay in si sharci dara ah looga dhoofiyo xeebaha galbeed ee Somaliland.
Taliyaha oo waraysi siiyay wargeyska Dawan ayaa xaqiijyay inay saddex qof oo u dhashay Soomaaliya iyo ninkii tahriibinayay ku qabteen duleedka magaalada Lawya-caddo ee jiida galbeedka Somaliland.
Taliyaha ilaallada xeebaha gobolka Selal oo ka hadlayaa arrintaasina waxa uu yidhi, “Bisha tobankeedii ayaa waxaanU qabanay dad muhaajiriin ah oo la rabay in si qarsoodi ah looga tahriibiyo xeebta badda Lowya-caddo, dadkan oo ahaa afar qof oo haween ah, kana yimi dalka deriska ah ee Soomaaliya ayaa waxaa mukhalas ka ahaa nin dhalinyaro oo reer Somaliland ah. Waxa kale oo aanu haynaa hantidii uu ka qaaday oo dhan 1200$ oo doolar.”
Taliyaha ayaa intaas ku daray inay shantaas qof ku wareejiyeen qaybta booliska gobolka Selal si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Waa markii saddexaad ee muddo shan bilood gudahood ah ciidanka illaalada xeebaha ee gobolka Selal gacata ku dhigaan dad si sharci-darro ah uga dhoofaya xeebaha gobolkaas.
Labadii bilood ee u dambeeyay ayaa waxa la xoojiyay hawlaha illaalinta xeebaha gobolka Selal sida uu sheegay taliyaha illaalada xeebaha gobolka Selal saddex xidigle Haaruun Siciid Cali.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com