|

Caaddifad Qabyaaladeed Oo Iska Horkeentay Jiilayaashii Ugu Caansanaa Somaliland iyo Sawir-qaadahoodii

Burco:July,12,2014(SDN/QJ)-Muran iyo  is qabqabsi xooggan ayaa soo kala dhex galay Labada nine e dhinaca qosalka soomaalida dhexdeeda xilligan hormoodka ka ah ee Sooraan iyo Jawaan iyo Waliba Sawir-qaadahooda Gaarka ah oo lagu magacaabo Yaasiin bal-ballaadhshe.

sooreIs af garan-waagan oo in muddo ah socday, ayaa Haatan halkii ugu xumayd gaadhay, iyadoo ciidamo Boolis ahi jabsadeen Aqalkii Yaasiin Bal-ballaadhshe, isla-markaana qaateen agabkii dhex yaallay oo ay ku jirto kamaredii la isku haystay.

Sooraan iyo Jawaan ayaa saaxibo dhaw la ahaa in badan kamera manka Yaasin Balbalaadhse oo isagu kasoo duubay riwaayado iyo filimaan badan oo ku jira internetka iyo Youtubeka, balse haatan imika u muuqata in ay iska hor yimaadeen sababo la xidhiidhia qabyaalad iyo alaabo ay isku qabsadeen awgeed.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaji Cali ayaa isagu camera cusub ugu deeqay Yaasin oo ka duubi jiray riwaayadoha majaajilayaasha Sooraan iyo Jawaan, balse haatan markii ay is dagaaleen isaguna wasiirku askar ku amray in jeelka la keeno Yaasiin kadib markii ay sidaas ku wargaliyeen oo ay kaso dacwoodeen Majaajilaystayaashu.

Qalabkaas uu ugu deeqay Wasiirku Kamradistaha ayaa waxa ka daba yimi Sooraan iyo Jawaan oo yidhi soo celi qalabkii uu ku siiyey wasiirku sidoo kale ay isku beel kasoo jeedan wasiirka, halka wiilka Kamaradiistaha ahina uu kasoo jeeda beesha galbeedka Burco, balse uu wasiirku deeq ahaan usiiyay qalabka wax lagu duubo.

Xiisadan ayaa u eg mid kasii daraysa kadib markii uu arrinku isu bedelay qabyaalada cad oo ka dhaxaysa labada dhinac ee is haya oo askar isku adeegsaday, iyo dhamaan dhalinyarada magaalada Burco oo iyaguna u muuqda kuwo lasoo kala saftay labada dhinac ee is haya.

Wararkii ugu dambeeyey ee arrintan ka oo baxa ayaa sheegaya in ciidanka Ammaanku ay raacdo ugu jiraan Sawir-qaade Yaasiin Bal-ballaadhshe, iyadoo uu baxsad kaga Maqan yahay Goobihii lagu yaqaanay.

 SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed