Soomaalida Haysata Baasaboorka Diblomaasiga ah Ee Aan Dawladda U Shaqayn Oo Laga Qaadi Doono Baasaboorrada
Muqdisho:July,12,2014(SDN/QJ)-Xilli la iska Daldalanayo Baasaboorka Diblo-maasiga soomaaliga ah, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhawaan Hawshan wasaaradiisa lagu wareejiyey ku dhawaaqay inay faraha ka baxeen dadka Aan Dawladda u shaqayn ee Haysta Baasaboorka Diblo-maasiga ah.
Wasiir Bayle oo u warramayey idaacadda Radio Muqdisho, ayaa sheegay in cidkasta oo Baasabaoorkaas haysata, isla-markaana aan u shaqayn dawladda laga qaadi doono Baasaboorrada ay haystaan.
Wasiirka, ayaa tilmaamay ilaa 7 kun oo ruux inay heystaan Basaboorka Diblomasiga, kuwaas oo haya sida uu yidhi shaqooyin badan oo kala duwan, wuxuuna intaa raaciyay in qaarkood ay ganacsato yihiin oo aanay siyaasadda shaqo ku lahayn.
Waxa uu sheegay in dadka kaxeeya takaasida ay qaarkood heystaan Basaboorka Diblomasiga ee Soomaaliya,isagoo xataa sheegay in ganacsatada degan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ay heystaan Diblomaasiga.
Wasiirka, ayaa ku baaqay dadka aan u shaqayn Dowladda inay soo celiyaan Basaboor Diblomasiga, iyagoo sharfaaya Qaranka Somaliyeed, isla-markaana ay dadkaasi xaq u lee yihiin inay qaataan basaboorka caadiga ah ee Soomaaliga.
Haddii dadku ay soo celin waayaan Basaboor Diblomasiga, ayuu sheegay inay ka qaadi doonaan kolka lagu arko meel ay Dowladdi leedahay, haddii ay noqon laheyd inay dalka ku soo laabtaan amaba ka dhoofayaan, baahi ka gasha Safaaradaha iyo cusbooneysiin ay ku doonayaan, inay ku sameeyaan Basabooka Diblomaasiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa waxa uu shacabka Somaliyeed ku booriyay in laga wada shaqeeyo, sidii dib loogu soo celin lahaa sharafkii uu lahaa Qaranka Somaliyeed.
Hadalka ka soo yeedhay C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli Golaha Wasiirada ay isku raaceen in qaadashada Basaboorka Diblomaasiga looga dambeeyo Wasaarada Arrimaha Dibadda.
SDN/QJ