General Yuusuf Indha-cadde Oo U Xusul Duubaya Qabashada Xil Madaxtooyada ka Bannaan
Muqdisho:Jully,12,2014(SDN/QJ)-Tartan Muuqda oo loogu jiro Jagada uu shalay banneeyey Taliyihii Ilaalada Madaxtooyad, ayaa Bilaambay, waxana Hoggaanka Haya General Yuusuf Siyaad Indhacadde oo lagu yaqaano Nacaybka uu u qabo Kooxaha Shabaabka.
Taliyaha Xoogga dalka Somalia Jen. Dahir Indha Qarshe ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Madaxtooyada, waxaana si KMG ah loogu magacaabay Kux-igeenkiisa oo lagu magacaabo Gaashaanle Duraan. Waxaa sidoo kale xil ka qaadis lagu sameeyay Madaxii Keydka hubka Madaxtooyada Col. Garabeey, waxaana lagu badalay sarkaal la yidhaahdo Col. Cosobow.
Waxaa jira qorshe ku aadan sidii Taliyaha Madaxtooyada loogu magacaabi lahaa Sarkaal heysta darajada Jeneraalnimo, isla markaana ciidamada Madaxtooyada loo gaadhsiin lahaa Hal Guuto, taasoo ku kaliftay Taliyaha Xoogga dalka inuu bilaabo wadatashiyo ku aadan Jeneraalkii loo magacaabi lahaa Madaxtooyada.
Yuusuf Indha Cadde ayaa ka mid ah dadka u ololeyna in xilkaasi loo magacaabo, waxaa kaloo jira Saraakiil kale oo haysta darajada Jeneraalnimo oo loolaankaasi ku jiro.
Indha-Cadde, ayaa rajo-weyn ka qaba xilkan, waxaana la sheegayaa in sidoo kale dowladda ay ka fakareyso dhankeeda arrintan, lagana yaabo inay aqbasho dalabka Indha-Cadde.
Isbadaladan lagu sameeyay Hoggaanka taliska madaxtooyada ayaa ka danbeysay weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday Hebeenimadii Salaasada, lana xoojiyo ciidamada ilaalada aqalka Madaxweynaha.
SDN/QJ