Markab Laga Lahaa Dalka Kenya Oo Gacanta u Galay Ururka Al-shabaab
Raage-Ceelle:Jully,11,2014(SDN/QJ)-Markab ganacsi oo dalka Kenya laga Lahaa ayaa Gacanta u galay Xooggaga Al-shabaab eek a arrimiya Deegaanka Ceel-geelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Markabkan oo ku sii jeedey Magaalada Mombassa, ayaa qaab caarid ah ku gaadhay, halkaas, waxana haatan la wareegay Xoogagga Al-shabaab.
Markabka oo toddobaadkan ka amba baxay Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa cilad farsamo oo xagga motoorka ah ay ku qabsatay Badweynta Hindiya, iyadoo lagu jiro xilliga xagaaga ee bad xidhanka aawadeed, ayuu markabka ku caariyay Xeebaha Shabeellaha Dhexe. Xilli uu ku sii jeeday Magaalada Mombasa ee Xarunta 2-aad ee Kenya.
Idaacada ku hadasha afka Ururka Al Shabaab ee Andulus, ayaa waxay Xalay baahisay in markabkan uu gelinkii dambe ee Arbacadii ku soo caariyay Xeebta Deegaanka Meyraaley, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen dagaal-yahanada Shabaabka.
Andulus waxay kaloo baahisay in markabku ay la socdeen ilaa 10 nin oo u dhashay dalka Kenya, isla-markaana uu markabku yahay mid laga lee yahay isla dalkaasi Kenya.
Andulus oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Shabaabka oo aanay magacoodu baahin, ayaa waxay u xaqiijiyeen in markabka iyo wixii saarnaaba, ay si nabadgelyo leh ula wareegeen Xoogagooda.
Dhanka kale Dadka degan Deegaanka Meyraaley, ayaa la soo sheegayaa inay ku xoomeen markabka, ayna ka qaateen agabyo saarnaa, balse ay Shabaabku ku guuleysteen in intoodu badan ay soo celiyaan.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in ganacsato Muslimiin ah oo u dhashay dalka Kenya, ay lee yihiin markabka xilligaan ay gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Shabaabka, lamana garanaayo waxa ay ka yeeli doonaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com