Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Madaxweyne Gaas U Diiday Inuu Booqdo Xero Militeri iyo Sababta Keentay
Garoowe:July,11,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Daraawiishta Puntland Gaasas ka mid ah ayaa is Hortaagay Booqasho u Madaxweynaha Maamulkaasi ku tegi lahaa Xerada 54-aad ee dhawaan lagu magacaabay Marxum maxamed Dirir.
Ciidanka oo Maalmahanba Gadood ku jirey, ayaa si badheedh ugu diiday Madaxweyne Gaas inuu xeraraas Booqasho ku yimaaddo, iyagooo horteeda ka dhigay Mudahraad balaadhan oo madaxweynaha Cabsi geliyey.
Sababta ka dambaysa is hortaaga Booqashada Madaxweynaha lagu Sameeyey ayaa ah Mushahar La’aan Ciidamada Haysata, iyagoo aan muddo afar bilood ah wax mushahar ah qaadanin.
Ciidamada Daraawiishta ee ku sugan Xeradaasi ayaa Asbuuc ka hor Gedood Sameeyey,iyagoona markii dame Magaalada Garoowe Mudaaharaad ka dhigay.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa dadaal xoog leh u galay sidii uu u qancin lahaa Ciidamada Diidmada Sameeyey,balse ma aanay Suurta gelin oo Ciidamadu waxay ku adkeysteen inaanay Aqbali doonin Booqashada Madaxweynaha ilaa ay Mushaharkooda ka helayaan.
Isku soo wada duuboo Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa laf dhabar u ah sugida Ammniga iyo weliba kala dambaynta ka jirta deegaanada Puntland, mushaharka ka maqanna wali wax cudur daar ah looma hayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com