|

Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan Beer-laxawsi ah La Qaadatay Dhallinyaro Beesheeda ah iyo Waxyaabihii ay U Sheegtay

Hargeysa:July,11,2014(SDN/QJ)-Waxa Xogo faahfaahsan laga helayaa kulan ay Marwada Madaxweyne Siilaanyo dhawaan la yeelatay tiro dhallinyaro ah oo ay isku beel yihiin, kuwaas oo Bannaanka keenay Waxyaabihii ay marwadu u sheegtay.

aamina warisKulankan oo ay marwadu codsatay, ayaa lagu faaqiday sida ay dhallintani warbaahinta qaarkood u sheegtay  sidii kursiga mar kale loogu soo celin lahaa Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana looga difaaci lahaa Duufaanada Mucaarid ee Dul hoganaya Kooxda Madaxtooyada ku xeeran oo marwadu niyad-xumo ka muujisay Doorkan.

Dhallintan ayaa diirka ka qaaday inay marwo aamina Waris hortooda ka akhriday colaad Guun ah ooh ore u oo dhex taallay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi, taas oo aan inta ifka la joogo loo heli doonin xal waara, waxana ay ka cabatay inuu Guddoomiye Muuse ku maqan yahay Mijo-xaabinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay marwaduna Door Weyn ku leedahay Hannaanka Talka Dalka loo wado.

Dhallinyaradan ayaa sheegay inay Marwadu si hoose uga Codsatay inay Doorkan si gaar ah Beeshooda uga Marti tahay codadkii ay talada mar kale ku Haaneeni lahaayeen,  waxana ay tilmaamtay in Mid ka mid Beelihii Ugu cududa weynaa ee Xisbiga Taageerayaasha u ahaa ay Haatan dhabarka  u soo jeediyeen oo aan wax cod ah ka filaynin.

Sida ay dhalinyaradani sheegeen,  marwo Aamina waris ayaa hadalkeeda xagga dambe kaga Dartay inay filayso inay mustaqbalka dhaw Beesha Sacad-muuse xisbiga dib ugu soo noqon doonto, maadaama bay sheegtay aanay jirin meel kale oo ay u ciirsadaan, isla-markaana ay Xukuumadda Maanta ka hayaan Kaalmo muhiim ah oo kusoo jiidi kara inay Kuraastooda ilaashadaan.

Dhallinayaradan ayaa sheegay inay Aamina Waris si kulul u cambaaraysay Oday Muuse Dalab oo isaga Beesha Marwadu ka soo jeedda Waxgaradkeeda ah, isla-markaana Talada Beesha gacantiisa ku haya oo  wax badan laga weydiiyo.

Waxay marwadu Oday Muuse Dalab ku sheegtay qof aan dawladnimada waxba ka aqoon oo mucaaridad kaliya ka shaqaynaya, iyadoo xustay inuu  ka mid yahay dhidibada halganka ugu jira Duminta Xukuumadda Siilaanyo.

Ugu dambayntii waxa ay Marwadu dhallintaas u ballan-qaaday innay wax walba diyaar ula tahay, balse iyagana looga Baahan yahay inay Xisbiga u guntadaan oo ay ka saaraan surimaha cidhiidhiga ah ee uu haatan galay.

Marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris ayaa  caan ku ah inaaay Beesha ay ka soo jeedaa wax taageero ah siinin xisbiga Kulmiye, iyadoo doorashooyinkii dalka ka qabsoomayna ay taageerayaal u ahaayeen Xisbigii Udub ee Baaba’ay, waxase ay Haatan quud-darraynaysaa inay ku Beerlaxawsato  Mansabyo dhaama kuwan  ay haatan haystaan.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed