|

“Madaxweynuhu mararka qaarkood baadhis caafimaad wuu u bixi jirey, Laakiin arrin gaar ah oo aan hadda….”Guddoomiye Cirro

Hargeysa:July,11,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ahna Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa mar kale ku celiyey sida uu ugu xunyahay Tacaddiga iyo Dhibaatada ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku Hayso Xorriyatul-qawlka iyo saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka ka jirta.

cirrrrrrroGuddoomiye Cirro oo  u warramay warbaahinta Maalintii shalay, ayaa daaha ka qaaday in Xadhiga iyo cabudhinta saxaafaddu ay Halis ku tahay qaddiyadda Curdinka ah ee Somaliland, isla-markaana Caalamka iyo Dalka Gudihiisa midna aan looga Kala Hadhin Baaqyada laga diray Tallaabada lagu xidh xidhay Saxafiyiinta reer Somaliland iyo Hay’adahoodii warbaahineed oo xukuumaddu Xarumo Ciidan u beddeshay, “Arrintaas(Xadhiga saxafiyiinta) ka-hadalkeeda, Shacabka Somaliland,axsaabta qaranka, Bulshada Caalamba Hay’daha Xuquuqal insaanka iyo dalalka aynu jaarka nahay intuba way ka Hadleen, waxana aan mar labaad xukuumadd ugu baaqayaa inay soo jeedimahan ku saabsan Xorriyatul-qawlka iyo xorriyada saxaafadda ay u dhego nuglaato, taas oo siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo xidhiidhka aynu la leenahay caalamkaba wax u dhimi karta.wargeysyadii la xidhay iyo masuuliyiintoodaba waxanu soo jeedinaynaa in si degdeg ah loo  soo Daayo.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa uu dhinaca kale ka jawaabay su’aal laga weydiiyey Caafimaadka madaxweyne Siilaanyo oo Dadka qaarkii ay xilligan su’aal gelinayaan, isla-markaana la iska dhex  marayo inuu dibadda ugu bixi doono Baadhis Caafimaad, waxana uu  yidhi,“madaxweynuhu mararka qaarkood baadhis caafimaad wuu u bixi jirey, arrin gaar ah oo aan hadda ogahay laakiin ma jirto, laakiin haddii ay jirto waxan filayaa inuu Baadhistii caafimaad ee uu u bixi jirey uu u bixi doono.”

Guddoomiye Cirro ayaa haatan ah Tiir-dhexaadka Mucaaridka Somaliland, waxana uu loollan adag ugu jiraa sidii xisbigiisu ugu guulaysan lahaa Doorashooyinka la filayo inay Dalka ka qabsoomaan Badhtamaha Sanadka soo socda.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed