|

Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Somalia oo lagu Dhex xidhay Xabsi ku Yaal Villa Somalia

Muqdisho 11.July 2014 (SDN/QJ)- Caluula Nuur Caluula oo ah Sargaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaaliya ayaa Shalay Galab  waxaa lagu Xiray Xabsi ku yaala Villa Soomaaliya.

Caluula Nuur Caluula oo la Fadhiya Ra'isal Wasaaraha

Caluula Nuur Caluula oo la Fadhiya Ra’isal Wasaaraha

Xiritaanka Caluula ayaa waxaa uu salka ku hayaa kadib Markii  isagoo u socda Xafiiskiisa ay is afdhaafeen sargaal ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya.

Is afdhaafkaasi kadib anaa waxaa sargaalkii heeganka sare ee Villa Soomaaliya hayay waxa uu askartii goobta joogay ku dalbaday in ay qabtaan masuulkaan isla markaasna ay ku xiraan xabsi ku yaala Gudaha Madaxtooyada.

Intaasi kadib waxaa Xabsigii la geeyay Mudane Caluula isagoona Taliyihii Saldhiga uu diiday in uu Masuulkaan Xiro warqad la,aan. Isla Markiiiba waxaa Waraaq soo qoray Heeganka Sare ee Villa Soomaaliya isagoona amar buuxa ku bixiyay in Mudane Caluula gudaha la dhigo ilaa iyo amar dame.

Mudo saacado kadib ah waxaa goobta soo gaaray Taliyaasha Ciidanka Xafiiska R’iisul wasaaraha ayagoona Cadeeyay in uusan Caluula wax dambi ah lahayn isla markaasna ay xurguf yar dhexmartay Salgaalkii Heeganka Sare u hayay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waxaana halkaasi Xoriyadiisii Dib u helay Caluula Nuur Caluula oo ka mid ah Maasuuliyiinta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Lama yaqaan ilaa iyo hadda sababta ka danbaysay in sarkaal ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaare Cabdiwali Awood noocas ah loogu adeegsado iyadoo aan baaritaan lagu samayn sababta keentay inay is-afdhaafaan sarkaal ka tirsan ilaalada madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed