|

Punt land oo Isu diyaarinaysa 16 Guurada Dhismaha Maamulkaas,Gudi Qabanqaabo oo loo saaray iyo Dib u habayn lagu samaynayo Hay’adaha dawlada qaarkood

Garowe 11.July 2014 (SDN/QJ)- Xarunta Madaxtooyada ee Punt land ayaa Waxaa  ku shiray golaha wasiirada dawladda puntland iyadoo  dood dheer iyo falanqeyn  laga yeeshay xaalada dalka,  ka dib waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran.

fad

  • Xaalada amniga Puntland marka loo eego xaalada guud ee soomaaliya waxay mareysaa meel aad u wanaagsan kaasoo shacabka Puntland iyo   hey’adaha kale ee Puntland ku sugan loo cadaynayaa in amaanka guud sugan yahay.
  • Dawladda puntland iyadoo lagu jiro bishii ramadaan ayna tahay bisha ay kooxaha nabad’diidku dhibaatooyin geystaan bishaan gudaheeda, waxay Dowladda Puntland  kor u qaaday dhamaan laameheeda amniga dalka.
  • Dawladda puntland waxay  isu diyaarinaysaa soo dhaweynta  Aasaaskii  puntland  oo ay ka  soo wareegtay 16 sano,  isla-markaana waxaa golaha wasiiradu  u magacaabeen guddi heer  wasaarado  ah oo kala ah wasaarada maaliyada ,wasaarada howlaha guud, wasaarada war’faafinta, wasaarada amniga , wasaarada  arrimaha gudaha, wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, wasaaradda haweenka iyo Wasaaradda waxbarashada. Sidoo kale waxay dawladda puntland ugu baaqaysaa dhamaan  jaaliyadaha puntland ee aduunka  inay u diyaar garoobaan  xuska maalinta 1 August oo ah waqtigii la asaasay Dawlada Puntland.

 

  • Waxay golaha wasiiradu dhowaan soo bandhigi doonaan dib habayn ay wado Dowladu oo lagu samayn doono qaybaha kala ah .

  • – Shaqaalaha Dawladda Puntland.
    – Ciidamada Dalka.
    – Caddaaladda Iyo Garsoorka.
    – Dhaqaalaha Iyo Horumarinta Hannaanka Cashuuraha.

 

  • Golaha wasiiradu waxay  maanta Ansixiyeen hanaanka siyaasada maamul baahinta iyadoo la dhaqan-galinayo qodoba dastuuriga ah ee 120,122,123, siyaasaddaan oo  fududeyneysa  taageerada uu bixiyo mashruuca  JPLG ee horumarinta  degmooyinka  Puntland.
  • Waxaa golaha wasiiradu qiimeyn ku sameeyeen cabashadii iskaashatada gaadiidka Puntland, waxaana la isku raacay in la xalliyo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan iyadoo lahubinayo inta ay le’eg tahay baaxadda dhibaato ee ay ka cawdeen,  waxaana si gaar ah loogu  xil saaray  wasaaradaha kala.
    Wasaaradda Hawlaha Guud .
    Wasaaradda Maaliyadda.
    Wasaaradda Ganacsiga.
    Wasaaradda Dekedaha.

 

  • Waxaa goluhu war-bixin dheer ka dhageystay  wasiiradii ka soo laabtey safarkii shaqo ee ay ku tageen  magaalada Kismaayo ee xarunta Dowladda Jubbaland, iyagoo golaha horkeenay qodobada heshiis wadaag ah oo ay wada qaateen Puntland iyo Jubbaland, isla markana waxaa golaha xukuumaddu ay soo dhoweeyeen heshiiskii dhowaan dhex maray Puntland iyo Jubbaland.

 

  • Sidoo kale waxaa goluhu war-bixin ka dhageysay  wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda oo safar shaqo ku tagay dalalka jabuuti iyo yamen  isla markaana lasoo saxiixday heshiishyo  is-kaashi xaga kaluumaysiga iyo khayraadka badda ah.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed