|

Dagaalkii Saaka ka Dhacay deegaanka Deefoow oo ay Ku Naf Waayeen Toban Ruux iyo Dhaawaca la hayo oo Lix Maraya

Hiiraan 10.July 2014 (SDN/QJ)- Toban qof ayaa kudhimatay tiro kalena wey kudhaawacmeen dagaal ka dhashay dhul beereed oo saakay ka dhacay  deegaanka Deefoow oo 39 Km  dhinaca woqooyi galbeed  kaga beegan magaalada Baladweyne  ee xarunta gobolka Hiiraan, sida ay  kusoo warramayaan Weriyeyaasha ku sugangobolka Hiiraan.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa u badan dhinacyadii dagaallamay, lix kamid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Baladweyne.

Qaar ka tirsan odoyaasha dhaqanka ee magaalada Baladweyne ayaa wada dadaallo lagu joojinayo dagaalka.

Masuuliyiinya maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan  wali ma aysan ka hadlin dagaalka.

Hiiraan SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed