Dawlada Somalia oo Maanta Ansixisay Sharciga la dagaallanka argagixisada
Muqdisho 10.July 2014 (SDN/QJ)- Xubnaha golaha wasiirradda ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyey magacaabista wasiirka amniga qaranka, taliyayaasha ciidamada boliiska iyo nabad sugida iyo hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada.
Kulanka wasiirrada oo la qabto Khamiis walba waxaa shir-guddoomiyey ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed.
Afhayeenka xukuumadda, Ridwan Xaaji Cabdiweli oo saxaafada la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in xukuumadu ay ku howlan tahay sugidda amniga iyo soo celinta kalsoonida shacbiga.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in la rajeynayo in is bedelka lugu sameeyey laamaha ammaanka iyo ansixinta hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisadu ay soo celinayaan nabadgalyada caasimadda.
Golaha ayaa horay u ansixiyey hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada, hase yeeshee waxaa soo celiyey golaha baarlammaanka oo codsaday in lugu sameeyo dib u eegis, kahor inta aan la meel-marin.
Dhinaca kale, golaha ayaa isku raacay in isbaddal lugu sameeyo hannaanka bixinta baasaboorka loogu talo galay inay qaataan siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com