Qoyskii Lahaan Jiray Iskuulkii Al-baraka oo Ciidamada Amaanka Somaliland Xabsiga Dhigeen lana Xidhiidhiyeen Arrimo argagixiso
Hargaysa 10.July 2014 (SDN/QJ)- Booliska Somaliland ayaa habeen hore gurigooda kala baxay Axmed Maxamed Ducaale(Caawiye) Iyo Xaaskiisa Nuura Aw Yuusuf Cabdilaahi iyagoo geeyey xarunta sirdoonka Iyo Baadhista Dambiyada.
Ilaa hadda ma cada sababta rasmiga ah ee qoyska gurigooda loogala baxay balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in loo qabtay baadhista kiiska qaraxii ka dhacay dalka Djabouti iyadoo horena xukumadu dalka Jabuuti igu gacan galisay saddex ruux oo kale.
Sidoo kale wararka aanu helayno ayaa tibaaxaya in qoyska tuhunkoodu la xidhiidho muwaadin ka shaqayn jiray Xawaalada Jubba Express oo xukumada Somaliland hore ugu dhiibtay sirdoonka Djabouti in ay dhaleen.
Eheladan qoyska ayaa cabasho u gudbiyey Xukumada Somaliland taas oo ku aadan in ay wax ka ogaadaan sababta qoyska gurigooda loogala baxay.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo xukumada Somaliland ka soo saartay xadhiga qoyskan.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com