|

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Oo Bayaamiyey Sabab Muhiim ah Oo Shirkad Waddani ah Loo Siiyey Qandaraaska Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa:July,10,2014(SDN/QJ)-Guddida Qandaraasyada qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horraysay shaacisay in qaradaraaskii Diiwaangelinta Madaniga ah ay ku guulaystay shirkad gaar loo leeyahay oo Sahal Lagu magacaabaa.

nugaaGuddoomiyaha Guddidaas Aadan Axmed Nugaal oo Saaka Saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in shirkadaasi noqotay mid ku guulaystay Hawshaas qaran, isla-markaana aanay jirin wax eex ah oo lagu siiyey, basle ay Aqoon ay la timi ku kasbatay Qandaraaska la siiyey.

Waxa uu Aadan Axmed Nugaal sheegay in Farsamo badan oo ay la timi kadib guddidiisu isla garatay in shirkadaas Dalka laga leeyahay la siiyo qandaraska, “waxan iskugu kiin yeedhnay inaanu idiin sheegno in qandaraaska diiwaangelinta madaniga ah oo muddo laga shaqaynayey uu soo gebogebhoobay oo  shirkad waddani ahi ku guulaysatay qardaraaskiisa.” Ayuu yidhi Aadan Axmed Nugaal.

Guddoomiye Nugaal ayaa shaaca ka qaaday in tiro badan oo shirkado ahi ay soo codsadeen shaqada shirkaddani  ku guulaystay, balse ay Go’aansadeen in shirkadda Sahal hawsha loo igmado, isagoo sharraxaad dheer ka bixiyey Qoddobada ay u cuskadeen Siinteeda oo ay kaw ka tahay Xogta qaranka oo lagu aamini waayey Shirkadaha Ajaanibka, waxana uu yidhi,

“43-shirkadood oo ajanabi u badan boo hawshan soo codsaday, markii horena dallab baa loo diray oo waxa la yidhi qolo walba waxa ay ku samaynayso haddii ay kharash tahay iyo haddii ay farsamo tahayba hasoo sheegeen, waxana ay keeneen Qoraal Culayskeedana way lahayd, waxana ay ku soo dhamaatay in shirkadihii la kala saaro, qaar lacag badan bay keeneen, qaar farsamo ayey ku hadheen, qaar sanqadha soo raacayna way jireen”

Nugaal oo Hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray,

“markii ugu dambaysay  shirkad baa la doortay oo waxa lgu doortay dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba inay waafaqsan tahay shuruudihii loogu talo galay, shirkadaana waxa leh niman dhalinyaro ah oo somalilander ah oo cilmigaas la yimi,muhiimaddu waa Xogtii muwaadinka ayaa meeshan ku jirtee  yaalagu aamini karaa ee Haynaya.”

 

Waxa uu faahfaahiyey awoodo dheeri ah oo aanay shirkadaha kale lahayn, balse ay shirkaddani tustay Guddida, taas oo sababtay in lagu dhiirado in si dhibyar oo siiyo qardaraaska, waxana uu yidhi,“Shan shirkadood ooisku soo hadhay baanu u yeedhnay waxana ay noo sheegeen xogtaas aanu helno annagaa Haysanayna, mar kasta oo loo baahdo in xogtaas wax laga bedelo ama wax lagu kordhiyyana waa in iyagii loo yeedhaa oo lacago kale inaga Baxaan. Waxanuse doordidnay niman muwaadiniin ah oo si cad noo tusay in qof jooga Berbera annagoo arkayna ay diiwaangeliyeen awooddaasna ay leeyihiin, halkaasna lagu qaaday dhamaan information-kiisii. Shirkadaas Sahal ayaana si xalaal ah ugu guulaysatay Mashruucaas.”

Axsaabta mucaaridka Somaliland qaar ka mid ah ayaa sheegay in Guddida qandaraasyada qaranka Somaliland ay sharciga baal mareen, isla-markaana qandaraaska siiyeen shirkad si gaar ah loo naas-nuujinayo, balse waxa taas si adag u beeniyey Guddoomiyaha Gudidda qandaraasyada qaranka Somaliland Adan Axmed Nugaal.

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Conatact@somalidiasporanews.com

Comments are closed