Khasaaraha uu Sababay Dagaal Saaka Waaberigii ka dhex qarxay laba Beelood oo wada dega Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan
Muqdisho 10.July 2014 (SDN/QJ)- Wararka ka imaanaya Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saaka Waabarigii  dagaal u dhaxeeya Labao Maleeshiyo Beelood uu ka dhacay,kaas oo ilaa hada socda sida Wararkii ugu danbeyey ay sheegayaan.
Dagaalka ayaa Dhimasho iyo Dhaawac geeystay,waxaana Dadka dhintay ay u badan yihiin  Maleeshiyada ku dagaalamaya Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan.
Inta la og yahay Dagaalka ayaa waxaa ku Geeriyooday ugu yaraan Shan Ruux oo u badan Dhinacyadii Dagaalamay,sida ay ku soo Waramayaan Weriyeyaasha Ku sugan Goobta dagaalku ka dhacay.
Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan ayaa Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka u jira qiyaastii 35-KM,waxaana halkaa Dhowr jeer ku dagaalamay Maleeshiyo wada daga halkaasi.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Gobolka ayaa wada Dadaalo lagu Joojinayo Dagaalka Saaka ka biloowday Deeganka Diifoow ee Gobolka Hiiraan.
Muqdisho SDN/QJ