25 Qodob oo laga Saaray Xeerka Saxaafada ee Maamul Goboleedka Punt land iyo Ururka Suxufiyiinta oo Sida Fiinta uga Qaylyay Isagana dab qaaday Baarlamanka iyo Madaxtooyada
Garowe 10.July 2014 (SDN/QJ)- Ururka saxafiyiinta Puntland ayaa sheegay in wax badal lagu sameeyay xeerkii lagu hishiiyay ee saxaafada puntland, kaas oo Doraad la horgeeyay barlamaanka Puntland.
Ilaa 25 qodob ayuu ururku Map xaqiijiyay in laga saaray qodabadii ku qornaa xeerka saxaafada. Waxayna arintaan ku eedeeyeen wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland oo iyadu xeerkaan ugudbisay barlamaanka Puntland.
Xubno katirsan ururka saxafiyiinta Puntland ee Map iyo guddi lagasoo xulay wariyayaasha ayaa tagay xarunta barlamaanka si ay ula kulmaan gudoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre iyo guddiga sharuucda oo xeerkaan loo dhiibay si ugasoo talo bixiyaan.
Gudoomiye ku xigeenka ururka Map Maxamed Yuusuf Daahir Saalim ayaa qaar kamid ah xildhibaanada iyo gudoomiyaha usoo bandhigay qodobada laga badalay xeerkaan. Wuxuuna gudoomiyaha barlamaanku sheegay inaysan suurto gal ahayn in barlamaanku meel mariyo xeerkaan uu muran ka taagan yahay , Isagoo sheegay inay waajib tahay in wax laga weydiiyo dadka uu quseyso xeerkaan oo ah warbaahinta.
Dhinaca kale xubnaha guddiga Map iyo wariyayaasha ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay afhayeenka xukuumada Puntland Quraan Jecel waxayna usoo bandhigeen arinta la xiriirta wax ka badalka xeerka.
Quraan jecel ayaa u sheegay Map iyo wariyayaasha inay wax laga qabandoono isagoo sheegay inuu xiriir la sameyndoono wasiirka warfaafinta Puntland si uu wax uga weydiiyo arintaan.
Waa markii labaad oo ay saxafiyiintu carro xoogan ka muujiyaan wax ka badal lagu sameeyo xeerka saxaafada Puntland oo soo maray mar xalado kala duwan oo adag.
Waxaa xusid mudan in wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland allaha unaxariistee Abwaan Axmed Shiikh Jaamac oo Shalay ku geeriyooday Garowe uu door muuqda ku lahaa dajinta xeerkaan iyo dhameynta qilaafkii u dhexeeyay wasaaradda warfaafinta iyo wariyayaasha oo xilligaas gaaray heer maxakamadeed.
Dallada ururada aan dowliga ahayn ee Punsaa oo door muhiim ah iyaduna ku lahayd xal ka gaarida xeerkaan ayaa sheegtay inay nasiib darro weyn tahay in xeerkii dhibaatada lagasoo maray haddana mar kale lagu sameeyo wax kabadal.
Dhinaca kale waxaa socda waan waan u dhaxeysa xukuumada iyo warbaahinta, taas oo ku aadan sidii xeerkaan dib loogu celin lahaa wasaaradda warfaafinta oo kadibna loo keeni lahaa xeerkii rasmiga ahaa, kaas oo uu waxka dajiyay nin khabiir ah oo lagu magacaabo Siciid Faarax Yare.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com