|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo soo Kormeeray Dhismaha Jidka Hargaysa ilaa Balli Gubadle iyo Arrimaha uu ku soo arkay Daawo.

Hargaysa10.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay soo kormeeray  jidka dhismaha isku xidha Balligubadle iyo Hargeysa oo wajigii koobaad ee dhismahaasi uu gaba gabo ku dhaw yahay shanii KM ee ugu horreeyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka   Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil,ayaa bulshada Somaliland ku hambalyeeyay sida ay ugu tartamayaan wax wada  qabsiga isla markaana tilmaamay in maanta bulshada Somaliland ay diyaar u tahay in ay dalkooda horumariyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo ka hadlay  markii uu gaadhay dhismaha wadada Balligubadle iyo Hargeysa isla markaana ku dhiiri galiyay bulshada Somaliland in ay halkaa ka sii waddo horumarinta dalkooda.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in Umadayada Somaliland,shacabkayaga dadaalka ay samaynayaan ee runtii ay ku tartamayaan horumarka ee dagmo iyo deegaan walba ka bilaabmay oo ah wax aan ka suuro galin maanta dawlado badan oo aan la ictiraafin oo aduunyada ah in ay Waddooyin dibada ah ay ku hamiyaan oo ay samastaan oo magaalo ilaa magaalo isku xidha runtiina aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay waxaanan aad iyo aad aanu runtii ugu mahadnaqaynaa ama aanu ku hambalyeynaynaa kuna bogaadinaynaa dadka reer baligubadleh ee runtii dadalka intaa leeg sameeyey ee waliba muddo kooban oo aan qabo in ay tartanka ka danbeeyeen dagmoooyinka kale durba hadana ay Sadde Kilo Metre ay dhameeyeen aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay waanan runtii ugu hambalyeynayaa waxanan u malaynayaa tartanka loogu jiro horumarka dalka in ay reer Baligubadleh ay Kaalinta koowaad ka gali doonaan,aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa iyaga iy inta kale ee reer Somaliland ahba ee gudo iyo dibadba ku hawlan horumarka dalka”

Waxaa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland uu war bin ka dhegaystay  Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nacnac) oo ka mid ah gudiga dhismaha jidka isku xidhaya Balligubadle iyo Hargeysa.

Imika waxaanu soo gaadhnay qaybii kale e Baligubadleh u baxaysay,waxaana dhamaanaysa ilaa Shantii KM ee ugu horeeyey ayaa dhamaanaya waayo Bahashii aanu ku shaqaynaynay Madaarka ayaa nalaga geeyey Markaa waxaanu doonaynaa in Bisha ramadaan gudaheeda aanu dhamayno shantii Kilo Metre ee ugu horeeyey,waa wadadaa dee tayada leh waxaanan jecel nahay in aad idinkuna aad ka qayb gashaan oo dee dawlad ahaana waxii aad noogu kordhin kartaan aad noogu kodhisaan,dadwaynahana waxaanu leenahay dadyow waa taa wadadii cidna uma maqna cida umaqana waa Somalilander-ka uun wax ku darsada ayaau idin leenahaya”Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac.

Jidka haatan Dhismihiisu Socdo ee Hargaysa ilaa Balli Gubadle ayaa ka duwan Dhisme ahaan iyo tayo ahaanba kuwa kale ee iyagana gacanta lagu hayo iyadoo Jidkan laamiga ah laga dhigay mid aad u adag laguna badiyay Daamurka kaas oo la mid ah Wadada Hargaysa iyo Berbera .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed