Wasaaradda Beeraha oo Gobolka Awdal ka Samaysay Hawl gal ay ku Tijaabinayso Beerista Timirta Daawo.
Boorama 10.July 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ayaa Mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanayd sidii ay Gobolada Somaliland ugu Tijaabin lahayd Dalagyo Wax soo saar si ay u deristo in Ascaar dibada looga soo waarido dalka ay ka bixi karto.
Dalagyada ilaa hada lagu guulaystay inay Cimilo ahaan ka bixi karaan Somaliland waxaa ka mid ah Beriiska,Noocyo ka mid ah Khudrada la quuto sida Tufaaxa,Canbaha,Rumaanka,Shamaamka,iyo Kuwo kale.
Qaar ka mid ah Gobolada Somaliland ayaa Tijaabadaasi si Wanaagsan uga suuro gashay.
Wasaaradda Beeruhu Waxay Gobolka Awdal haatan ka Bilowday Tijaabo ku aadan Beerista Timirta,Wasiirka Wasaaraddaasi Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Si rasmi ah Hawl galkan uga sameeyay Gobolkaas.
Hargaysa SDN/QJ