Hadaad Xoriyad haysato Waxaa Jira kuwo ku Afura Nabad la’aan
Haddii nabad aad ku seexato ood kusoo toosto ,dalkaaguna kuu xoryahay waxaad dooontaba ku haysoo waxa jira dar ku afura,gabbal iyo waa’na ay u tahay xorriyad la’aan,dhulkoodoo lagu haysto,iyo xadgudubyo kala duwan oo gumaysiga Yuhuudddu kula kaco ooy kamidyihiin dil, dhaawac, burbur iyo duqen,dhul boob,gadoomin, ,handadaad iyo qaar badan oo kale oo tacadiyo ah,kuwaasi oon loo kala miidaan yeelin maati iyo rag, carruur iyo cirroole,waa Falastiin, Qazza iyo dhulkeeda kaleba oo siday doonto ka yeesho yuhuudu,waxa kalita ee ku haysataaba tahay dhulkooda iyo madaxbanaanidiisa,iyadoo sankana ka marnarisa inay aqoonsato dawlada Yuhuudda.
Ma jiro dawlad reer galbeed iyo baritoona,iyo qaramada midoobay toona oo yidhaahda dulmiga halaga joojiyo oo wax ka qabta,illeen gaal kuuma diir naxo,xuquuq aadame oo uu dhawraana ma jirtee waa wixii uu dan ka leeyahay uun,islaamkii ka hadlilaana malaha goraygaa ka hadaafay ama waa wax aan eraygoodu meel gaadhin.
Waa bil ramadaan waxaana duqeynta lagu hayo Falastiin ku nafwaayay sida la sheegayo shalay illaa maanta dad kor udhaafay 20 ruux ,dhaaacana haba tirine boqol ka badan,waana labadii maalmood ee u danbeeyay,duqeyntuna wali ma istaagin iyo hanjabaada loogu goodinayo mid dheeraad ah.
Waxa miciin u ah oon ugu deeqaynaa ducada rabi.Allahayaw cadawgaa u turuqa sheegtay ka qabo, Allahayaw guulee walaalahaa dulmin maatidaa silicsan iyo bulshadaa dhan ee la dafirsanyay jiritaankii dalkooda iyo dawladnimadoodاللهم انصر اخواننا المستضعفين في فلسطين على اليهود الظالمين، اللهم عجل لهم نصرك يا عزيز