|

Musharax Jamaal Cali Xuseen “Waad arkayseen in Xuduudaheenii la soo xidhay iyo Siyaasadeenii arrimaha dibada oo Jah-wareersan”

Hargaysa 09.July 2014 (SDN/QJ)- Musharaxa Jagada Madaxweynaha  Xisbiga Mucaaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen,ayaa Xukuumadda u soo jeediyay in ya ka baxdo gabi ahaanba wada hadalka la filayo in ay dhawaan ku dhex maraan Somaliland iyo Soomaaliya dalka Turkiga.

JAMAAL CALI XUSEEN SAXWaxaa kaloo uu Musharaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa Xukuumadda ku dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda oo uu tilmaamay in ay ku fashilanay soona xidhmeen Xuduudaha ay la wadaagto Somaliland dalalka dariska.

.Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sidan maanta ku sheegay mar uu shir-jaraa’id uu ku qabtay Xarunta Xisbiga UCID ee Magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in aanay jirin wax allaale iyo wax ka soo kordhay wadahadaladii Somaliland iy Somaliya,sidaas awgeedna ay ku taageerayaan Xisbiga WADDANI baaqii hore uu u soo jeediyey ee ahaa in la joojiyo gabi ahaanba wadahadalada Somaliland iyo Somaliya u socda.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ugu horayn ka hadlaaya halka ay marayso siyaada arrimaha dibada Somaliland ayaa waxaa uu yidhi

:”Waad arkayseen in Xuduudaheenii la soo xidhay iyo Siyaasadeenii arrimaha dibada oo Jah-wareersan,waxaa inagu soo oodmay dalkii waxaad arkaysaa in la xidhay xuduudkii Jabuuti Kii Itoobiya Wadamadii waawaynaa uu shaki ku yimi Dawladeenuna ay Wali ka hadlayso Wadahadalii Somaliya ee waxii ay la soo saxeexdeen ee ay Turkiga shan goor u tageen ay waxba ka shaqayn waayeen oo ay hadana ay Wali Umadda ay daba wadaan,waxaa ugu danbaysay tii ay yidhaahdeen hawada ayaanu guul ka soo gaadhnay hawadeeniina waa taa imika dusheena laynugu dul iibsadayba oo ay Somaliya la wareegtay hada waa Hawadii ay shanta Wasiir inta ay Turkiga ay tageen deedna inta ay dadka so horfadhiisteen yidhi guul baanu ka soo gaadhnay”

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi uu ku daray:”wadahadaladii Somaliya wax alaale iyo wax ay inagu so kordhiyeen ma jiraan qadiyadii Somaliland-na waa ay dhaawaceen dawladana waxaad moodaa in ay si indha la’aan ah in ay ku socoto meesha ay ku socotana garan mayno,Waxaanu anagu aanu taas ku raasanahay baaqii ay soo jeediyeen Xisbiga WADDANI ee ahaa in wadahadladaasi in gabi ahaaba la joojiyo dalkuna uu isagu yimaado Dajinta Siyaasad cusub oo arrimaha dibada ah”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed