Agaasimaha sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka oo la magacaabay
Muqdisho 09.July 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa magacaabay agaasimaha hey’adda sirdoonka iyo nabad Sugidda qaranka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa xilka u magacaabay, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ingariiska.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa aqbalay magacaabista ( San-baloolshe), sida ay sheegtay warbaahinta qaranka.
Magacaabista mas’uulka ayaa qayb ka ah isbedel ay xukuumaddu ku samaynayso madaxda amniga dalka, kaddib markii habacsanaan lagu dhaliilay madaxdii hore.
Khaliif Axmed Ereg ayay xukuumaddu maanta u magacowday wasiirka amniga qaranka, iyadoo Gen, Maxamed Sheekh Axmed Ismaaciil ay u magacowday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com